
Muqdisho(GMN)-Kulan Maanta Magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaano ka soo jeeda gobboladda koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay kaga doodeen maamul la sheegay in loo sameynayo gobboladdaasi.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobb joog ka ahaa siyaasiin iyowaxgarad kuwaas oo si aad ah Kenya ugu eedeyey horinta colaadop sokeeyo oo ka dilaaca Gobboladda Jubbooyinka .
Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa xildhibanadda ka soo jeeda gobboladda koonfurta Soomaaliya isla markaana kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Kenya sida uu sheegay Jabhad falaaga ah ay ku soo daad gureynayso gobboladda Koonfurta gaar ahaan Jubbooyinka.
“Gobboladda Koonfureed kama hawlgalaan Azania iyo Raaskanbooni” ayuu si carol eh u sheegay Xaabsade.
C/waaxid Ibraahim Liiq liiqato oo sheegay inuu yahay siyaasi kasoo jeeda gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in gobbolka Jubbada hoose uu si sharci darro ah uu ku yimid guddoomiye ku xiggeenka barlamanka dalka Kenya Faarax Macalin.
Kulankani ayaa imanaya xili si aad ah ay isu soo tarayaan hadaladda ku aadan in Dowladda Kenya ay maamul ka hergalinayso Gobboladda Jubbooyinka iyo Gedo
Gedoonlinenews@gmail.com


