Big day for Boqor buurmadow Tomorrow

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Big day for Boqor buurmadow Tomorrow

Post by Khalid Ali »

Maxkamadda oo Berri ku dhawaaqaysa Go’aanka Dacwadda Boqor Cismaan Buurmadow
Hargeysa(Waaheen) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa la filayaa inay Berri si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto Dacwadda ay Xukuumaddu u haysato Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo Maxkamadda Gobolka ka socotay muddo ku siman Afar bilood.
Dhagaysiga Dacwadan oo marxalado kala duwan soo martay ayuu Garsooraha Dacwadaas hayaa toddobaadkii hore soo af-jaray isagoo balan qaaday inuu Berri oo Sabti ah ku dhawaaqi doono.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee dacwadaasi ka socotay ayaa Amaankeeda aad loo adkeeyay iyadoo loo diidanaa Saxaafaddu inay ka qayb qaadato, hase yeeshee waxa la filayaa maanta in Go’aanka loo ogolaan doono.
Dacwadda ay Xukuumaddu Boqor Cismaan Buurmadow u haysato ayaa ah mid Siyaasi ah, taasoo ka dhalatay Mucaaradad xoogan oo uu mudadii ay jirtay ku faalaynayay qaabka ay u shaqayso, hase yeeshee waxa taas ka biyo diiday Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa waxaanay dhaxal siisay Boqorka in ay Xabsiga dhigaan.
Sida ka muuqatay Doodii BBC-du u qabatay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda iska casilay Maxamud Raage oo ku dooday xadhiga Boqorku inuu yahay Cadaawad Siyaasadeed isagoo tusaale u soo qaatay markii uu iscasilay in uu muddo sadex bilood ah Aar-goosi Siyaasadeed oo ay Xukuumaddu kula kacday Awgeed Hargeysa ugu Xayirnaa.
Halka Xeer ilaaliyaha Guud ee Masuulka uga ah Oogida Dacwadda Boqorka uu sheegay inuu ku kacay Af-lagaado iyo Borobogaando uu Qaranka ku waxyeelayay isagoo sida Doodiisa ka muuqatay aan u adeegsan Qoddobo lagu qanci karo oo uu Boqorku ku mutaysan karo Ciqaabta uu ku soo Oogay.
Si kasta ha ahaatee waxa laga war-sugayaa Go’aanka uu Xaakinka Kiiska hayaa maanta ku dhawaaqo, kaasoo laba mid uun noqon doona in Xorriyadda Boqorka loo soo celiyo iyo in lagu qaado Xukun Xorriyatal qawlka Somaliland saamayn ku yeelan doona.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”