Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole mid uu awood uusan laheyn isku badayo, isuna heysta nin ka go'da talada Soomaaliya, isagoo madaxda dowladda ugu baaqay inay si deg deg ah uga jawaabaan hadalada ka soo yeeraya Hogaamiyahaas.
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Faroole awood aysan laheyn shanta kale ee saxiixayaasha uu is baday, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in hadal kasta oo ka soo yeera uu mugdi geliyo siyaasada Soomaaliya.
"Waxaa u maleynayaa inuu ku wareeray Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliya, runtii awood uusan laheyn ayuu la soo baxay, shanta kale ee Saxiixayaasha aanay laheyn, maxaa yeelay hadaladan maalayacniga waxay u baahan tahay inuu ka fiirsado, xataa waxaa dhihi karaa, Maskaxiyan ma ma fiyoobo"ayuu yiri Siyaasigan.
"Soomaaliya Puntland ma ahane, ee Puntland ayaa Soomaaliya ka mid ah, aniga hada qabiil uma dan lihi, laakiin labo gobol hadii uu xukumo ma ahan inuu isu heysto nin siyaasada Soomaaliya geed fadhi u yahay"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa si kulul u cambaareeyay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku sheegay in shirarka ka socda Muqdisho ee Odayaasha inay yihiin kuwo siyaasadeysan oo ka baxsan Road Map-ka.
Madaxweynaha Puntland Faroole ayaa hadalada si aan ka fiirsi laheyn uga hadla, iyadoo dhowr jeer hadalo layaab leh uu saxaafada ka jeediyay, kaasoo dadka qaar ku macneeyeen mid bogo bogsaday ku damqinayo, waxaana hadalada lala yaabay ka mid ahaa shirkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen Dubai oo uu xusay in aan isaga lala tashan.
I knew something was wrong with that annoying feminine madaxweyne-ku-sheeg.
