Page 1 of 1

Awlibax Welcomed Back In Beled Xaawo

Posted: Thu Jul 12, 2012 12:36 pm
by Murax
Gudoomiyaha Ahlusuna Shiikh Awlibaax oo si weyn loogu soo dhaweeyey maanta Magaalada Baled-Xaawo.
admin | Jul 12, 2012 | 0 comments


Hogaamiyaha Ahlusuna Waljameeca ahna masúul ka tirsan saxiixayaasha Road Map-ka Soomaaliya Shiikh Maxamed Maxamuud Yusuf “Awlibaax” oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baled -Xaawo kadib markii uu socdaal dibada ah iyo shirkii Rome uu kasoo guryo noqday.

Dadweyne aad u badan ayaa Guddoomiyaha uga hortagay banaanka magaalada Baled-Xaawo waxaana ay dadkaasi wateen boorar ay ku qoran yihiin soo dhaweynta Guddoomiyaha Ahlusuna iyo guulaha uu kasoo gaaray shirarkii saxiixayaasha Soomaalida ee Road Map-ka iyo shirkii kale ee maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo kuwaasi oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Shiikh Maxamed Maxamuud Yusuf “Awlibaax” oo dadkii soo dhaweeyey kala hadlayey socdaalkiisa ayaa sheegay in hadda lagu jiro xilligii kala bixi lahaa KMG ah islamarkaana loo gudbi lahaa dowlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato,waxaana uu dhinaca kale yididiilo wanaagsan ku tilmaamay kulamada looga arrinsanayo maamul u sameynta sadexda gobol ee kala ah Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe kuwaasi oo shirarkooda kasoo bilowdeen Nairobi.

“Waxaa idin ku bishaareynayaa in maamulka Ahlusuna uu guulo waa weyn kasoo hooyey shirarkii Soomaalida guud looga hadlayey iyo kii maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana idin sheegayaa in hadda laga baxayo KMG oo loo gudbayo dowladii rasmiga aheyd ee dalku yeelan lahaa”ayuu yiri Guddoomiye Shiikh Maxamed Maxamuud Yusuf “Awlibaax”

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey soo xulista ergooyinka iyo meesha ay marayaan ayuu sheegay in dib u dhac uu maanta ku yimid kulankii lagu soo bandhigi lahaa ergooyinkaasi,balse ay dhankooda rajeynayaan in wixii farsamo dib u dhac keenay la sixi doono islamarkaana degdeg loogu soo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed xubinii ansixin lahaa dastuurka cusub oo uu ka mid yahay Madaxda qallinka ku duugtay.

“Aniga sida aad la socotaan waxaan ku jiray lixda saxiixayaal ee ku saxiixan dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana ku saxiixay waa codkiina iyo magaciina sidaasi oo ay tahay waxaa la idin ka baahan yahay haddii aad tihiin reer Gedo iyo Jubbooyin in aad kasii shaqeysaan meelmarinta howlaha dib u hishiisiinta iyo maamul u sameynta aan idin wadno’ayuu yiri Guddoomiye Awlibaax.

Socdaalka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliyey qaarka mid ah madaxda Dowlada Soomaaliya oo baryahan rajeynaya inay kulamo la qaataan dadka degan degmooyinka gobolka Gedo ee aan gacanta ugu jirin kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo ay ka arimiyaan Ahlusuna iyo Dowlada Soomaaliya.



Guddoomiye Awlibaax ayaa sidoo kale lagu wadaa uu gaaro deegaamo ka tirsan gobollada Jubbooyinka si uu ula soo kulmo ciidamada Ahlusuna ee halkaasi jooga iyo madaxda kale ee ciidamada Huwanta, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yiri.

“Waxaa dhawaan tegi doonaa deegaanada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlusuna, Dowlada Soomaaliya, Raaskambooni iyo ciidanka Kenya, waxaana kala soo hadli doonaa dardargelinta dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii maamulo loogu sameyn lahaa meelaha laga saaro kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab’ ayuu yiri Shiikh Awlibaax.



Madaxda wada saxiixatay hishiiska Road Map-ka oo uu ku jiro Awlibaax ayaa mid kasta waxaa uu dib u noqday deegaanada uu ka taliyo si uu uga soo dhaadhiciyo meelmarinta arrimaha uu farayo hishiiskaasi,waxaana ugu horeeya in dowlad cusub la soo dhiso 20-ka Augusto ee sanadkan, iyaddo uu xilligaasi ka harsan yahay wax ka yar 38 cisho oo kaliya.



Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalka Gudddoomiyaha Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Maxamuud Yusuf ”Awlibaax” wararkeena danbe ayaad ku heli doontaan.

FILO: SAWIRO SOCDAALKA AWLIBAAX EE BALED-XAAWO.



Farah Jama

www.kismaayo24.com

Re: Awlibax Welcomed Back In Beled Xaawo

Posted: Thu Jul 12, 2012 12:39 pm
by Murax
"waxaana ku saxiixay waa codkiina iyo magaciina sidaasi oo ay tahay waxaa la idin ka baahan yahay haddii aad tihiin reer Gedo"

I respect this guy. He was one of the 6 signatories of the new constitution, but even more unlike other MR politicians who've come and gone, He actually knows who He's representing, and who He answers to. He's able to do it in a diplomatic way while still working with others i.e TFG, Kambooni, IGAD, etc.

Re: Awlibax Welcomed Back In Beled Xaawo

Posted: Thu Jul 12, 2012 4:07 pm
by The`Republic
A fantastic guy. Aw-Libaax is really a man who deserves respect :up: