Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by ina Warfaa »

Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu ku yiri kitaabka ”Riyaadu-Saalixiinka” bogga ”136” isagoo ka faaloonaya Xaddiiska tiradiisu yahay ”250” ee uu lahaa Nebigu amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee: "... وما اجتمع قوم في بيت من بيوت الله يتلون كتاب الله و يتدارسونه بينهم...": Yacni isku akhrinaya Qur’aanka qaarkood qaarka kale si aysan u hilmaamin sida uu qorayo kitaabka la yiraahdo ”Fayd al-Qadiir” iyo sida laga soo weriyay Axmed (2/407): ”Way akhrisanayaan oo baranayaan Kitaabka Eebbe Kor ahaaye iyagoo isbaraya”. Tebintiisuna way sugan tahay. Ma in Qur’aanka lagu subciyaa ma aha waxa uu Xaddiisku tilmaamayo; maxaa yeelay waa Bidco gadaal laga keenay oo aan lagu dhaqmi jirin xiligii Salafka sida uu ku qoray Imaam Shaadibi kitaabkiisa la yiraahdo ”al-Ictisaam” (1/357-388). Waxaana Subaca inaan la oggoleen tilmaamay Imaam Maalik iyo Culimo kaleba sida ku qoran kitaabka la yiraahdo ”at-Tibyaan” ee uu leeyahay Mu’alifku -dhamaantood Eebbe ha u naxariistee-, in lagu dhego Naska macnihiisa guud kaas oo aan horay loogu dhaqmin ma aha sidii ay u fahmeen Salafka, maxaa yeelay Bidco kasta oo ay u arkaan dadka qaarkii wanaag sida badan waxay u daliishadaan Daliil leh macno guud sida ay ogyihiinba Culimada, qofkii doonaya macluumaad dheeraad ah, wuxuu u noqon karaa kitaabka la yiraahdo ”al-Ictisaam” iyo kutubta kale ee ka hadasha Usuusha Bidacda. Sidoo kale Sheekh Albaani wuxuu ku yiri kitaabkiisa la yiraahdo ” الثمر المستطاب ” (2/793-794): Subaca waa Bidco oo lagama soo werin Nebiga amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee, lagamana soo werin mid ka mid ah Saxaabada, Nebigana a.n.k. mararka qaarkood wuxuu fari jiray qof inuu akhriyo Qur’aanka si uu u dhegeysto markuu akhrinayo, siduu Ibnu Mascuud ugu kor akhrin jiray Nebiga a.n.k., oo Nebigu a.n.k. wuxuu oran jiray: ”إني أحب أن أسمعه من غيري” Cumarna wuxuu fari jiray qof ku akhriya Qur’aanka isaga iyo asxaabtiisa iyagoo dhegeysanaya; mar wuxuu fari jiray Abuu Muuse marna wuxuu fari jiray Cuqba binu Caamir. Wuxuuna ku weriyay Xaafid Ibnu Rajab kitaabkiisa la yiraahdo ”Jaamic al-Culuum wal-Xikam” bogiisa (250).

Waxaan ka turjumay kitaabka la yiraahdo ”Qaamuuska Bidacda” ee uu iska leeyahay al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani.

Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” ina_warfaa@hotmail.com http://www.freewebs.com/ina-warfaa
Enlightened~Sista
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10831
Joined: Fri Feb 29, 2008 4:55 am
Location: Stonetown, Zanzibar

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by Enlightened~Sista »

Salafis and their extremism :down: :down:
daiman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1716
Joined: Mon Jan 23, 2012 1:02 pm
Location: My opinions are solely mine. They are generic not addressed to individuals

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by daiman »

i do not think there is anything wrong with it. It is one way of studying the Quran. There are so many ways of learning and memorising the Quran, and subac is just one of them.

Plcaing the Quran in the youtube is bidcah :lol:
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by Somaliman50 »

sh cali suufi baa ayaan dhoweeti mas'aladaan ka hadlay markuu sharxaayey kitaabkii atibyaan al adaab alquraan. i will find you the clip where he mentions this.
Enlightened~Sista
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10831
Joined: Fri Feb 29, 2008 4:55 am
Location: Stonetown, Zanzibar

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by Enlightened~Sista »

daiman wrote:i do not think there is anything wrong with it. It is one way of studying the Quran. There are so many ways of learning and memorising the Quran, and subac is just one of them.

Placing the Quran in the youtube is bidcah :lol:

:lol: :lol:
daiman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1716
Joined: Mon Jan 23, 2012 1:02 pm
Location: My opinions are solely mine. They are generic not addressed to individuals

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by daiman »

abakar20 wrote:sh cali suufi baa ayaan dhoweeti mas'aladaan ka hadlay markuu sharxaayey kitaabkii atibyaan al adaab alquraan. i will find you the clip where he mentions this.

Yes, I was there when he talked about this in London......but that has not change anything :mrgreen:
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by grandpakhalif »

Enlightened~Sista wrote:Salafis and their extremism :down: :down:
There's no proof for subac in the sunnah.
User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by abuu_dujaana »

Subaca waxaa la diidan yahay qofka markii aayada uu dhammaynaayo lala hooriyo ama marka uu aayada bilaabo laga dafo markiiba . Taas dhibaatooyinka ay leedahay waxaa kamid ah

1 Qofka lama sixi karo haddii dhammaadka lala hooriyo ama laga dafo.
2 Quraanka marka la akhrinaaya waxaa waajib ah in la dhagaysto, haddii la hoorinaayo l suurta gal ma aha.
3 Axkaamta Tajwiidka in la ilaaliyo loo baahan yahay sida maqaarijal xuruuf, maddadka iwm.
haddii la iska hoor hooriyo qushuuc ma jiro shuruudahii kalana waa la weeynaya.


Sheikh Cabdirashiid Cali Suufi iyo Sheikh Al-Mahsari oo subcinayaan.

daiman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1716
Joined: Mon Jan 23, 2012 1:02 pm
Location: My opinions are solely mine. They are generic not addressed to individuals

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by daiman »

people experience khushuuc in different ways. My khushuuc is at its peak when I hear subac and see tusbax.

Anyway, the subac meant to keep up the memorization of the Quran not to learn the tawjeed.
Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Re: Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?

Post by Maandhow »

daiman wrote:people experience khushuuc in different ways. My khushuuc is at its peak when I hear subac and see tusbax.

Anyway, the subac meant to keep up the memorization of the Quran not to learn the tawjeed.
daiman halmaalin afur ma inoo samaynaysaa ramadaankan aan juz camma kuwada subcinee?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”