Here was the successful conclusion of Phase I ... viewtopic.php?f=250&t=309146
At the opening of the technical committee phase II of Jubbaland State formation, the American envoy to Somalia as well as various international representatives spoke specifically about the importance of this process and this state for the future of Somalia and the transition process.
As phase II has just begun, news is just filtering in.
Warbixin ku sabsan Furitaanki Shirka Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo faafahsan.
Waxaa Xurunti lagu soo dhisay Dowlada kmg ah ee Somalia ee Inbagaati ee duleedka Magalada Nairobi ka furmay Shir mudo soconaya kaasoo ay ka qaybgalayaan 10 xubnood oo lagu magacaabay Gudi Farsamo kuwaas oo wada gaari doono qodobada saldhiga u noqon doona dhismaha Maamulka Jubbaland.
Furitaanka shirkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Saxiixeyaasha Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo iyo Safiiro ka socda wadamada Mareykanka iyo EU da iyo Ururo Calami ah.
Shirkaan ayaa waxaa uu ku bilowday khudbado ay soo jeediyeen qaar ka mid ah saxiixeyaasha Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo waxana ka mid aha dadka khudbadaha ka jeediyay Gudomiyaha Raskambooni Sh. Axmed Madoobe Gudomiyaha Ahlusunna Sh. Maxamed Aw-libaax Prof Gandi Gen Fartaag.
Dhamaan Masuliyinta kor ku xusan waxaay soo dhaweyeen Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo waxaayna ku baqeen in la sii laba jibaaro dadaalada lagu doonayo in dhidibada logu taago Maamul salbalaaran oo ay yeeshaan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaayna ugu baqeen shacabka Jubbaland in ay u diyaargarobaan Dowlad goboleed buuxda oo ku soo wajahan Jubboyinka iyo Gedo .
Sido kale Waxaa furitaanki Shirkaasi ka hadlay Safiirka Mareykanka Wakiilo ka socday EU iyo Wakiilo ka socda Urur Goboleedka IGAAD.
Safiirka Mareykanka oo Khudbad aad u dheer dhinacyo badana tabanaysay ka soo jeediyay ayaa waxaan idinka soo qadayna nuxurka khudbadaaso.
Safiirka ayaa ugu horeeyn si weyn u soo dhaweyay Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo waxana uu shegay in Dowlada Mareykanka ee uu wakiilka ka yahay ay ka go,antahay in dhidibada lotaago Maamulka Jubbaland safiirka oo hadlkiisa siiwata ayaa waxaa uu yiri Dhismaha Jubbland ma ahan mid anfacaya kaliyah reer Jubbaland ee waxaa uu tiir dhexaad u yahay Nabad ka dhalata Somalia iyo daganan ay helaan Wadamada Dariska la ah Somali.
Midowga Yurup iyo Urur Goboleedka Igaad ayaa ayaguna si isku mid ah u so dhaweyay Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo iyo in dhidibada lo taago Maamul Salbalaraan oo ka hergala Jubboyinka Iyo Gedo.
Intaasi ka dib waxaa si rasmi ah u furmay Shirki Gudigi Farsamda ee 10 ka kobnaa waxana goobti shirka ka soo baxay dhamaan Saxiixeyaashi iyo waliba wufuudi Calamiga ahayd ee ka qayb galaysay Furitaanka Shirka.
Xaajo markay halkaas marayso ayaa waxaa Kulan Albaabada ay u xiran yihiin Holl kale oo isla dhismihi ka tirsan ku yeeshay Saxiixeyaasha Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo iyo Safiirka Mareykanka Wakiilo ka socda EU iyo Urur Goboleedka IGAAD Shirkaas oo ay Saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaan la aqoon waxaa loga wada hadlay balse qodobadi ka so baxay Shirkaas ayaa waxaa ugu weyna oo ay saxaafadu heshay in Saxiixeyaasha Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo iyo Safiirka Mareykanka Wakiilo ka socda Midowga Yurup iyo Urur Goboleedka Igaad ay malinta Khamista u anbabaxaan Magaalada Muqdisho waxaayna kulan khaas ah la yeelan doonan Madaxweynaha Dowlada kmg ah ee Somalia Sh.Shariif.
Ma cada ila iyo hada waxaa ay ka wadahadlayaan dhinacyadaasi iyo Madaxweyne Shariif balse dadka Saadaaliya Siyaasada Somalia ayaa waxaay ku cabireen Socdaalkan mid Sh. Shariif loga soo saxiixaayo Aqonsiga Dowlad Goboleedka Jubbaland madaaba Dorashada Madaxweynaha Jubbaland iyo iyo mida Fadaraalka ay kala horeyaan wax ka yar 5 malmood taas oo dib u dhac ku keni karta Aqonsiga.
Dhanaca kale Shirka Gudiga Farsamada uga Furmay Duleedka Nairobi ayaa waxaa uu socon doono 8 malmood waxana ugu weyn qodobada laga filayo in ay Iclamiyaan Shirweyne guud oo ka dhacaya gudaha Somalia qaas ahaan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo Shirkaas ayaa waxaa uu ka dhici doona Maagaloyinka Afmadow ama Doolow midood ee Goboloda Jubbada hoose iyo Gedo.
Ugu danbeyn Furitaanka Shirka Gudiga Farsamada iyo Shirarki kale ee Sida hoose lo qatay ayaa dhamantood waxaay ku soo dhamadeen sidi logu tala galay.