Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it seems
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it seems
Axmed Godane oo Maamulo cusub u dhisay Gobolada Somalia iyo Abu mansuur oo iska dhex wayay.
July 27, 2012 | Posted by admin
Kulan muddo maalmo ah ka socday magaalada Baraawe ee Shabeel Hoose kadib ayuu hogaanka Al Shabaab magacaabay madaxda cusub ee hogaamin doonta xarakada Al Shabaab xiliyada soo socda.
Go’aankan ayaa imaanaya kadib markii Al Shabaab lagala wareegay goobo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya, xili ay jiraan dullaano ay qorsheenayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada inay kula wareegaan goobo dheeraad ah oo kamid ah gobalada Koonfurta Soomaaliya, ayadoo ay dhinac socdaan dhaq dhaqaaqa militari ee ciidamada Itoobiya ay ka wadaan qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Kulanka ka dhacay magaalada Baraawe ayaa ah mid ay ka qeyb galeen xubno badan oo kamid ah hogaanka sare ee Al Shabaab, ayadoo sidoo kale la sheegay inay ka maqnaayeen xubno muhiim ah sida Mukhataar Roobow Abu Mansuur oo markii ugu horeysay aan xil rasmi ah loo magacaabin hogaanka Al Shabaab.
Kulankan ayaa looga hadlay sidii Al Shabaab ay uga hortagi lahayd xoogaga kasoo horjeeda waxaan isku shaandheyn lagu sameeyey hogaanka Al Shabaab sida laga helay xog hoose xubno kamid ah Al Shabaab.
Ahmed Godane Abu Subeyr oo ah Hogaamiyaha Al Shabaab ayaa magacaabay xubno cusub oo kala hogaamin doona Al Shabaab gobalada dalka Soomaaliya marka laga reebo Soomaaliland oo uusan wax hogaamiye ah u magacaabin.
Hogaanka ayaa u kala qeybiyey gobalada dalka Soomaaliya sidatan:
· Puntland
· Bartamaha (Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan)
· Muqdisho iyo Shabeelooyinka (Muqdisho, Sh/hoose iyo Sh/Dhexe)
· Galbeedka (Bay, Bakool iyo Gedo)
· Jubooyinka (Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe)
Ahmed Godane ayaa magacaabay hogaamiyaasha gobalada iyo kuxigeenadooda, halka uu Asagu si toos ah ulla wareegay hogaaminta Shan gobal oo dalka kamid ah kuwaasi oo kala ah:
1- Jubbada Hoose
2- Jubbada Dhexe
3- Shabeelada Hoose
4- Shabeelada Dhexe
5- Muqdisho
Shantan goobood ayguu Ahmed Godane asagu si toos ah u hogaamin doonaa hawlgalada militari ayadoo ay gacan ku siinayaan kuxigeenadiisa, arrintan ayaa lagu tilmaamay mid lagu doonayo iyo lagu adkeeyo hogaanka militari ee Al Shabaab iyo qorshahooda bilaha soo socda.
· Waqooyiga ( Puntland )
Gobalada Puntland ayuu Ahmed Godane u magacaaby magacaabay hogaamiye cusub oo hogaamin doona hawlgalada Militari ee Al Shabaab, ninkan ayaa lagu magacaabaa Yassin Cismaan Khaalid (Kilwa) oo kasoo jeeda beesha Dubays ee Warsangeli, halka hogaamiyahan dhanka diinta loo magacaabay Shiikh Cabdulqaadir Cali Muumin oo kasoo jeeda beesha Cali Saleebaan ee Majeerteen.
Waxaan ku jirin xubnaha la magacaabay hogaamiyihii hore ee xoogaga ku sugan Buuraha Golis ee Maxamed Siciid Atam, oo aan wax war ah laga heyn tan iyo intii kooxda ku sugan buuraha Golis ku dhawaaqeen inay ku biireen Al Shabaab ilaa iyo horaantii sanadkan xiligii ay Al Shabaab ku biirtay ururka Al Qaida.
Deegaanada Puntland ayaa ah goobta kaliya ee hogaamiyaha Al Shabaab u magacaabay xubno marka laga yimaado gobalada koonfurta Soomaaliya ee Al Shabaab cududa ku leedahay.
Gobalada Somaliland ayaa u muuqda kuwa kaliya ee uusan hogaamiyaha Al Shabaab u magacaabin wax xubno ah arrintaasi oo su’aallo bada la iska weydiiyey maadaama uu hogaamiyaha Al Shabaab uu kasoo jeedo deegaanada Soomaaliland.
Sidoo kale Yaasiin Cismaan oo ah ninka loo magacaabay Puntland ayaa ah nin ay si weyn isugu dhaw yihiin Ahmed Godane, horeyna saaxiibo dheer usoo ahaa, waxaana labada nin horey loogu wada xiray magaalada Hargeysa, xili loo heystay Ahmed Godane iyo Yassiin Cismaan inay lunsadeen lacago ay lahaayeen ganacsato kasoo jeeda Kiilka Shanaad ee Itoobiya.
Yassiin Cismaan (Kilwe) ayaa la sheegay in Soomaliland u gacan gelisay Ciidamada Maraykanka ee fadhigood yahay dalka Jabuuti, ayadoo ku eedaysay inuu ku luglahaa asaga iyo Ahmed Godane falal dhanka Argagaxisada ah, balse Maraykanka ayaa siidaayey ninkan kadib markii wax danbi ah lagu waayey waxaana dib loogu soo ceshay deegaanada Soomaaliland. Yassin Cismaan ayaa la sheegay inuu hada ku sugan yahay Buuraha Golis ee deegaanada Puntland.

Gobalada Bartamaha Soomaaliya ayuu hogaamiyaha Al Shabaab u magacaabay 5 hogaamiye kuwaasi oo si toos ah u hoos imaan doona Ahmed Gadone xubnahan ayaa kala ah:
1- Shiikh Fuaad Maxamed Khalaf Shongole – Gobalka Mudug
(u dhashay beesha Awtable ee Daarood)
2- Xalane Abdullahi Holac – deegaanada Galmudug
(u dhashay beesha Sacad ee Habar Gidir)
3- Cawil Godax – Galgaduud
(u dhashay beesha Saleebaan ee Habar Gidir)
4- Cabdishakuur Cali Cumar – Galgaduud
(u dhashay beesha Sacad ee Habar Gidir)
5- Yuusuf Cali Ugaas – Gobalka Hiiraan
(u dhashay beesha Xawaadle ee Hawiye)
Hogaamiyaashan ayaa hoos tagi doona Amiirka Al Shabaab si toos ah ayadoo awaamiirta iyo qorshaha militari la socodsiin doona hogaamiyaha sare ee Al shabaab.
· Bariga (Muqdisho, Sh/hoose iyo Sh/Dhexe)
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo horey looga saaray Al Shabaab ayuu Ahmed Godane u magacaabay hogaan cusub sidoo kale gobalada Shabeelooyinka oo dagaalo culus ka socdaan ayaa ayaguna loo dhiibay xubno cusub, kuwaasi oo kala ah;
Shiikh Maxamed Cabdullahi Xiirey – Madaxa Guud ee Muqdisho iyo Shabeelooyinka
( u dhashay beesha Shiikhaal ee Hawiye)
Maxamed Xassan Cumar – kuxigeenka Shabeelada Hoose iyo Muqdisho
(u dhashay beesha Cayr ee Habar Gidir / Hawiye)
Shiikh Yuusuf Ciise (Kaba kutukade) – Shabeelada Dhexe
(u dhashay beesha Abagaal ee Hawiye)
Maalim Maxamed Abdulle – Shabeelada Dhexe
(u dhashay Beesha Abgaal ee Hawiye)
Xubnahan ayaa si toos ah u hoostagaya hogaamiyaha sare ee Al Shabaab.
· [b]Galbeedka (Bay, Bakool iyo Gedo)[/b]
Mahad Cumar Abdikarim – hogaamiyaha gobalada Galbeedka
(u dhashay beesha Dir)
Maalim Janow – Kuxigeenka Bay iyo Bakool
(u dhashay beesha Eelaay)
Khaliif Maxamed Warsame – Kuxigeenka qaabilsan Gedo
(u dhashay Beesha Cayr ee Habar Gedir ee Hawiye)
· Koonfur (Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe)
Waxa loo magacaabay gobalada Jubooyinka mas’uuliyiin cusub kuwaasi ayagu si toos ah u hoos tegi doona Ahmed Godane oo asagu si gaar ah gobalada Jubooyinka maamulkooda gacanta ugu heyn doona, xubnaha kuxigeenada Amiirka Al Shabaab u noqonaya ayaa kala ah:
Xassan Yacq uub – Kuxigeenka 1aad Qaabilsan Jubooyinka
(U dhashay beesha Eelaay)
Abuukar Cali Aadan – kuxigeenka 2aad ee Jubooyinka
(u dhashay Beesha Gaaljecel)
Cabdullahi Dige Xiirow – Kuxigeenka 3aad ee Jubooyinka
(u dhashay beesha Murursade ee Hawiye)
Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaan waxaan ka dhex muuqan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo horey u ahaan jiray hogaamiye si weyn looga danbeeyo Al Shabaab dhexdeeda iyo gaar ahaan gobalada Bay iyo Bakool. Abu Mansuur ayaa horey awood badan ku lahaa qeybta tababarada iyo militariga ee Al Shabaab.
Waxaa sidoo kale jira xubno badan oo xilal u hayey oo laga wareejiyey waxaanse cadeyn in isbedalka iyo isku shaandheyntan cusub ee Al Shabaab hogaankeeda soo rogay ay wax weyn ka bedali doonto hawlgalada Al Shabaab iyo awooda uu dhaq dhaqaaqan kusii lahaan doono koonfurta dalka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Last edited by zingii on Sun Jul 29, 2012 10:45 am, edited 1 time in total.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
There is one Daarood fella in a leadership role
who is AWRTABLE as the report indicates. The
rest hail from HAWIYE and CAYR etc.
Marehan and Ogaden are sidelined and are veiwed
as being threat to the organization since the two
took over lands that used to be in the hands of alshabab.

- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
Interesting development there from mr godane
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
If the report is true then i must say GODANE is clanist to the core.
How else could you explain the fact WAQOOYI is not on his hit list?
How else could you explain the fact WAQOOYI is not on his hit list?
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s

This is great news!
- Smile-LiKe-SuN-RiSE
- SomaliNet Super
- Posts: 7665
- Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
- Location: Jubbaland
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
I thought Alshababs were wiped out
Anywho, halaga saaro wasaqda wasaqda dhashay. Alaylahee baga

Anywho, halaga saaro wasaqda wasaqda dhashay. Alaylahee baga

Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
Alshabaab are still around
I haven't heard this name in months 

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
Source ?
This smells like something cooked up by the Marexan. Who is Abu Muscab ? Marexan and he is in charge of their operations against AMISOM.
Not buying this story
According to this list, there are no Marexan and no Ogaden
It reads into the propaganda being spewed on these forums: Jubbaland is majority Darood, the Kenyans are not invaders but liberators, and a new addition the so called Minority who are NonDaroods are Al Shabab
Please don't insult our intelligence.
This smells like something cooked up by the Marexan. Who is Abu Muscab ? Marexan and he is in charge of their operations against AMISOM.
Not buying this story

Please don't insult our intelligence.
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
Why you asking a source from someone who writesAbdiWahab252 wrote:Source ?
This smells like something cooked up by the Marexan. Who is Abu Muscab ? Marexan and he is in charge of their operations against AMISOM.
Not buying this storyAccording to this list, there are no Marexan and no Ogaden
It reads into the propaganda being spewed on these forums: Jubbaland is majority Darood, the Kenyans are not invaders but liberators, and a new addition the so called Minority who are NonDaroods are Al Shabab
![]()
Please don't insult our intelligence.
rest hail from HAWIYE and CAYR etc.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
BlueNwhite,
Or my favorite Faud Shongole being in charge of Mudug when his tribe most live in Baari
Sacad Al Shabab
Its like saying Sunni Shiica 
Or my favorite Faud Shongole being in charge of Mudug when his tribe most live in Baari

Sacad Al Shabab

- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
I know right, this nigga is chewing hard. He is not a good salesman.AbdiWahab252 wrote:BlueNwhite,
Or my favorite Faud Shongole being in charge of Mudug when his tribe most live in Baari![]()
Sacad Al Shabab![]()
Its like saying Sunni Shiica
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
Abdiwahab, this news could not have come at a better time, ur adeeri have messed up now 

- eliteSomali
- SomaliNet Super
- Posts: 5746
- Joined: Mon Dec 12, 2011 2:29 pm
- Location: Jewnited States of America.
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
Why is this nigga still alive? How the hell do you go from declaring fatwa on the land to setting up maamul goboleeds? This is one fat joke.
Re: Marexaan lost their leadership roles in Alshabab as it s
They're losing in every front and as u know desperate times call for desperate measure, hence trying to send a message by demoting individuals from certain areas . They got pushed off the sinking ship.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 567 Views
-
Last post by Django
-
- 10 Replies
- 793 Views
-
Last post by biko
-
- 3 Replies
- 282 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 3 Replies
- 413 Views
-
Last post by Oxy-
-
- 18 Replies
- 920 Views
-
Last post by qudhac-m
-
- 21 Replies
- 1011 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 0 Replies
- 302 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 5 Replies
- 544 Views
-
Last post by @Mooryaanka85
-
- 1 Replies
- 392 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 13 Replies
- 935 Views
-
Last post by muslim-man