
Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay
Cabdi Jeylaani Marshaale
Talaado, July 31, 2012(HOL): Waxaa caawa Salaaddii maqrib kaddib Muqdisho lagu dilay Majaajiliiste ay si weyn u yaqaaneen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.
Marxuumka ayaa lagu dilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo uu deganaa, waxayna dad goob-joogayaal ah sheegeen in ay toogteen labo ruux. Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhaawac ahaan loo geeyay.
Marshaale oo ku caan ahaa majaaajillooyinka iyo ruwaayadaha maadda iyo qosolka leh ayaa wuxuu la shaqeynayay TV-ga Universal iyo Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kalena marxuumka waxaa uu horay ula shaqeeyay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Marxuum Marshaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho dhaawac loogu geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif iyo Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, kuwaasi oo dhaawacii loo geystay ka badbaaday.
aun
yesterday 2 soldiers were neutralized by shabaab in daylight, now this and qaraxmiino.
It seems the short peace break is over, back to the reality folks. Game of Bullets Season 23.



