Engineer Gunned down

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Engineer Gunned down

Post by zingii »

Image

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Bartamaha Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ku toogtay Injineer caan ah

Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa baqonimadii maanta ku toogtay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Inj. Cali Xaaji Shirwac iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay ka baxsadeen goobta.

Wariyaha HOL ee Baladweyne C/raxmaan Diini ayaa sheegay in injineerka ay rag ku hubeysan bastoolado ku dileen xafiiskiisa oo ku yaalla bartamaha Baladweyne, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in la dilo injineerkan oo aad looga yaqaannay gobolka Hiiraan.

"Dilka injineerka waxaa ka dambeysay Al-shabaab, madaxa ayayna xabado uga dhufteen, wuxuuna injineerku howl ka bilaabi lahaa garoonka diyaaradaha ee Baldweyne," ayuu yiri guddoomiyha gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlayay BBC-da.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlayay sida ay ku ogaadeen in Injineerka ay dileen kooxo xiriiro la leh Al-shabaab ayaa wuxuu sheegay inay maalmahan u soo dirayeen marxuumka fariimo ay ugu hanjabayaan.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa howgallo ballaaran oo ay ku raadinayaan kooxihii dilka Injineerka ka dambeeyay ka billaaba xaafadaha Baladweyne, iyadoo la geeyay isbitaalka dedgmadaas oo dhinaca bari ku yaalla dad aad u fara badan.

"Kumannaan qof ayaa la isugu geeyay xabsiga degmada Baladweyne, baaritaanno ayaana dadkaas lagu sameynayaan," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan. Axmed Cismaan Cabdalla (Inji).
Magaalada Baladweyne ayaa gabi ahaan la xiray, iyadoo aysan jirin wax dhaqaaq ah oo ay dadku sameynayaan, ciidamaduna waxay galayaan meel walba si ay u baraan kooxihii dilka geystay.

Dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal noocan oo ka dhacay Baladweyne tan iyo markii Al-shabaab laga saaray bishii December ee sannadkii hore, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ku saabsan dilkan oo weli kasoo baxay Al-shabaab.

Injineerka la dilay ayaa wuxuu ku takhasusay dhismaha garoommada diyaaradaha, isagoo horay u dhisay garoomada diyaaradaha, Baladweyne, Berbera, Balli-doogle iyo kuwo kale, isagoo hadda gacanta ku hayay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Engineer Gunned down

Post by zingii »

"Kumanaan Qof" :|
User avatar
salool
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Tue Oct 18, 2011 10:15 am
Location: "Live Each Day As If It Were Your Last... Tomorrow is Not Promised."

Re: Engineer Gunned down

Post by salool »

Allah ya raxmah, waqtigiisi ba dhamaadey bil barakeysana wuu dhintay.Ilaahy ehelkiisa samir iyo imaan ha siiyo.
User avatar
AgentOfChaos
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10113
Joined: Mon Aug 01, 2011 2:41 pm

Re: Engineer Gunned down

Post by AgentOfChaos »

zingii wrote:"Kumanaan Qof" :|
Not literally just figuratively, article's author probably means "lots of people" not thousands of people. Arresting thousands of people at the same time in Somalia seems unlikely.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Engineer Gunned down

Post by zingii »

AUN.

I am wondering though, as to how they could arrest thousands of people?
I am suspecting the report could partially be made up (fiction) to make sound good. If that is not the case then i must say the police over there are heavy handed for not discriminating in their arrest quest. So long as you breath and live in the area you should expect to be arrested for investigation. :lol:
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Engineer Gunned down

Post by zingii »

AgentOfChaos wrote:
zingii wrote:"Kumanaan Qof" :|
Not literally just figuratively, article's author probably means "lots of people" not thousands of people. Arresting thousands of people at the same time in Somalia seems unlikely.
The writer should be re-trained.
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: Engineer Gunned down

Post by DR-YALAXOOW »

al shabaab murdred him, look here what al shabaab website somalimemo wrote about it. they claimed alla yaa raxma injineer cali was ethiopian worker!! nacalatu allah al shabaab :down:
Sarkaal muhim ahaa Ciidamada Xabashida oo goor dhaweyd lagu toogtay Beledweyne.

Written by Administrator on 02 August 2012.
.

War goor dhaweyd naga soo gaaray gudaha magaalad Baladweyne ee xarunta Wilaayada Hiiraan ayaa sheegaya in afaafka hore ee Xarunta degmada lagu toogtay Cali Xaaji Shirwac oo ka mid ahaa raggii ugu muhimsanaa ee ahaa dabadhilifyada xabashida ku sugan magaalada Baladweyne.



Ninka la toogtay ayuu meydkiisu in muddo ah yaalay goobtii lagu dilay ka dib markii dadku ay ka baqeen in ay qaadaan, waxaana ka dib soo gaaray goobta maleeshiyaad iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo isku gadaamay goobta, qaatayna meydka ninkaas.




Cali Xaaji Shirwac ayaa gacan weyn ka siinayay Xabashida Baladweyne joogta arrimo ay ka mid yihiin soo xiridda ganacsatada iyo abaabulka dagaalada, waxaana uu hadda ku howlanaa isku duba ridka maleeshiyaad kala wareegi kara Cidamada Itoobiya gacan ku heynta Baladweyne.




Dhawaan ayay ahayd markii uu ninkaan si xoog ah uu gaari uga qaatay ganacsade caan ah oo Baladweyne jooga iyadoona ka dib gaariga uu u badalay mid dagaal oo la abaabulayay maleeshiyaad in la saaro ka dibna ay kula dagaalamaan Mujaahidiinta Wilaayada Hiiraan
they murdered a injineeer innocent civilian somali men and yet this arab worshippers wahaabis al shabaab marmarsiiyo ayey u raadinayaan dhiigaas ay xaqdarada ku dileen :down:
User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5122
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Re: Engineer Gunned down

Post by IRONm@N »

i wonder who is killing doctors, engineers, imams and artists in in puntland, mogadishu and hiiraan.

only someone who isn't Somali and wants Somalia to fail.

and what a poor job these so called Somali police do. they don't know how to do proper investigation and capture the murders, even though they commit these murders in broad day light in front of witness and leave a lot of evidence behind.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Engineer Gunned down

Post by zingii »

IRONm@N wrote:i wonder who is killing doctors, engineers, imams and artists in in puntland, mogadishu and hiiraan.

only someone who isn't Somali and wants Somalia to fail.

and what a poor job these so called Somali police do. they don't know how to do proper investigation and capture the murders, even though they commit these murders in broad day light in front of witness and leave a lot of evidence behind.
The witness is one of the over thousand individuals arrested for the murder. :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”