
for you who don`t know fillow he is taliyaha amaanka kismaayo, he is heavily armed second to non in kismaayo
he is former member of juba vally allaince
Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxeey sheegayaan in Maamulkii ka arimin jiray Degmada Kismaayo ee Xarakada Al-Shabaab uu Khilaaf ba,an hareeyay , Khilaafkaas oo lasheegay inuu salka ku hayo Qaabka loo maamulo Dakhliga Kasoo xarooda Dekada Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo.
Wararkaan ku aadan Khilaafka Soo kala dhexgalay Maamulka Ururka Alshabaab oo Isa sootarayo ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Taliyaha Ciidamada Ururka Al-Shabaab Aa-gaga Jubooyinka Shiikh, Abdiraxmaan Fiilow oo kasoo laabtay safar uu ku gaaray Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo uu codsaday in labadalo Maamulka Ka dhisan Kismaayo,Taas badalkeedna lasoo dhiso Maamul cusub Oo Kalsoonida shacabka Haysto kana arimiyo Magaalo Xeebeedka Kismaayo , Abdiraxmaan Fiilow Ayaa badelaada Maamulka kataliyo Kismaayo ku sababeeyay kadib markeey ku fashilmeen Siduu Fiilow Sheegay Inay maareeyaan Dhaqaalaha Kasoo xaroodo Dekada Kismaayo oo uu sheegay inay Koox gooniya Jeebkooda Kudhacdo Sida ay doontana u maamulato , Fiiloow oo hadalkiisa siiwato Ayaa Yirri ’’ Aniga sida aad og tihiinba in mudaa waxaan ku maqnaa Gobolka Gedo Oo aan howlo shaqo u joogay, Gobolka Dagaalo ayaa kasocda intiisa badana waxa uu galay gacanta Ciidamada Huwanta ,Waxaana U sababa inuu gacanta Ciidamadaas Galo dhaqaalo daro Iyo Daryeel la’aan haysata Ciidamadeena Ka howlgala Gobolka Gedo, intaan kamaqnaa Kismaayo Oo an Gedo Kumaqnaa Wax inaga soogaaray haba yaraatee Maamulka kataliyo meeshaan malahan, Hada waxaan usoo laabtay inaan ka qeybqato inan badalno maamulka kajiro meeshaan oo aan maamul Cusub u dhisno, Ayuu Hadalkiisii siiraacshay Shiikh, Abdiraxmaan Fiilow oo la hadlayay Dad kusoo dhaweeynayay Kismaayo.
Dhanka kale Guddoomiyaha Kismaayo Al-Shabaab Xassan Yacquub Cali oo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray Abdiraxmaan Fiilow ayaa sheegay inan marna labadaleyn Maamulka uu Gudoomiyaha ka yahay ee kajira Kismaayo, Isagoona Iska fogeeyay eedeeynta loo jeediyay Maamulkiisa ee ah inay ku takrifalaan Awooda Maamulka Iyo Dhaqaalaha .
Xassan Yacquub ayaa ugu hanjabay Fiilow haduu arimaha Maamulka Faraha lasoo galo inuu tilaabo ka qaadayo.
Shiikh Abdiraxmaan Fiilow ayaa markuu soogaaray Kismaayo Waxa uu xarun Ciidan ka sameystay Xaafada Calanleey Waxaa uuna markale ku celiyay inay ka go’an tahay in labadalo Maamulka Xassan Yacquub Gudoomiyaha ka yahay ee ka dhisan Kismaayo, Isagoona intaa ku daray in hadii la isku dayo in lasoo weeraro uu iska difaacayo Kooxo uu sheegay inay ka amar qaatan Xasan Yacquub Cali.
Odoyaal Waan waan ka dhex waday Xasan Yacquub Iyo Fiilow ayaa ku guldarestay inay dhameeyaan Khilaafka Ka dhex curtay Xassan Yacquub oo ku magacaaban Gudoomiyaha Kismaayo iyo Taliayaha Amaanka Abdiraxmaan Fiilow.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayaa Ciidamo is dhaaf dhaafayo kuwaasoo ka kala amarqaato Abdiraxmaan Fiiloow Iyo Xassan Yacquub, Wallina Waxaa laga dhexwadaa waan waan , Iyadoona warar soobaxayo ay sheegayaan in Abdiraxmaan Fiilow uu ku dhawaaqay inuu yahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee Kismaayo .
Khilaafka hareeyay Maamulkii Alshabaab ee ka arimin jiray Kismaayo ayaa sida uu Filow sheegay salka ku hayo ku Takrifal awoodeed iyo mid dhaqaalo, Lamana oga halka uu ku biyashuban doono khilaafka Hareeyay Maamulkii Kajiray Kismaayo Ee Al-Shabaab , ayaa ku soo aadayo iyadoo Ciidamada Huwanta ah ay kusii siqayaan Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubbada Hoose.
Wixii kasoo kordha Arrimaha Kismaayo waxaad kula socon doontaan wararka yaga danbe.