The king of somaliland holds shir, fosters ties.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

The king of somaliland holds shir, fosters ties.

Post by grandpakhalif »

Shaki iyo dareen ka dhashey shirdoceedyo Boqor Buurmadow beryahan danbe Hargeysa ka wado

Written by Qaran news
Aug 02, 2012 at 07:15 AM

Hargysa,(Qaran news)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo laba todobaad ka hor laga sii daayey Jeelka Mandheera ka dib markii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Adan ku soo eedeeyey cay iyo aflagaado uu kula kacaya madaxda sare ee qaranka siiba qoyska madaxtooyada iyo inta ardaagooda fadhida ,isla markaana uu qawadey hanaanka hogaaminta Siilaanyo iyo siday wax u socdeen ayaa magaalada Hargeysa ka dhex bilaabaey shirar dooceedyo uu ku casuumo madaxdhaqameedyada kuwaas oo xukumadu Siilaanyo qoonsatey dareen sas lehna ka qaadey.

Boqorka oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah salaadiinta beelaha Somaliland oo aan ka xusi karno suldaanka beesha Sallaxley Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Suldaanka beesha Gebilay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,Suldaanka beesha Saaxil Suldaan Maxamed Axmed Sheekh iyo suldaanka beelaha la hayb sooco Suldaan Daakir Xasan Khlaiif ayaa habeenadaba shirar goosgoos ku qabanaayey Hotelada Hargeysa,shirarkaas oo aan ajeendayaashooda la ogeyn balse loo malaynaayo kuwo siyaasadeed oo ka baxsan dhaqankay taajka u sitaan.

Isku soo wada duuboo shirar dooceedyadan Boqor Buurmadow gadhwadeenka yahay ee beryahanba ka socda Hoteelada Hargeysa ayaa loo malaynayaa inuu la haysto shirarka Somaliya dawlada loogu dhisaayo.waxaa kaloo tibaaxuhu intaas ku darayaan inaan shir doceedyadooda qadiyada wershada sibidhka Berbera ka madhanyan.

Qarannews

:pac:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”