C/LAAHI YUUSUF IYO CEYDIID {ILA QOSOL}

Wixii ku qoran af Soomaali

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

Kalaay
Posts: 22
Joined: Thu Oct 07, 2004 3:07 pm

C/LAAHI YUUSUF IYO CEYDIID {ILA QOSOL}

Post by Kalaay »

Hadda ka hor waagii dowladdii Max'ed Siyaad Barre ayaa waxay hal xabsi wada dhigtay Cabdullaahi Yuusuf iyo Caydiid
Markii ay xabsiga sanado ku liqeen ayaa hey'adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay taliskii markaa jiray weydiisay waxay raggani u xiran yihiin. Siyaad Barre oo aan hadal laga waayin ayaa ku jawaabay " Nimankan ma xirnee waa la daweynayaa, waxayna qabaan xanuunka waalida".
Qoladdii xuquuqul insaanka waxay u soo dirtay dhakhtar si uu bal u ogaado waxa warkaas ka jira una baaro xanuunada la sheegay in ay qabaan Saraakiishan.
Ninkii dhakhtarka ahaa ayaa Waaskada lagu qubaysto oo musqusha ku dhextaalla wuxuu ka buuxiyay biyo, wuxuuna soo qaatay: Qaaddo, Bakeeriga shaaha lagu cabbo iyo Baaldi wuxuuna mid walba ka codsaday in uu sheego sheygii uu isticmaali lahaa ee ugu sahlan, biyahana looga dhamayn karo waaskada.
Ceydiid ayaa soo booday ileyn waa nin fud-fudude wuxuuna yiri: " Bal doqonkan dhakharka isku sheegaya wuxuu su'aal nooga dhigayo eega, War Baaldigaa ugu fiican ileyn isagaa ugu mug qaad weyne".
Dhakhtarkii ayaa hadana yiri " Haye C/laahi Yuusuf sidee adigana kula tahay".
C/laahi Yuusuf ayaa ku jawaabay " Ma jecli in aan su'aal walba ka jawaabo laakiin tan haddaan xabsiga aan ku jiro uga baxayo waxaan samayn lahaa; aaburka (furka) yarka ah ee waaskada bartanka kaga yaala ayaan ka bixin lahaa dabadeedna biyuhu ayagaaba iska qulqulaya"

Dhakhtarkii ayaa yiri C/laahi Yuusuf laga bilaabo saacaddaa fasax baad tahay halka Ceydiidna loo cayimay in uu ku sii nagaado halkiisa ilaa amar dambe.
Laughing Laughing Laughing Laughing
Pelen8
Posts: 10
Joined: Mon Dec 25, 2006 8:55 am

Post by Pelen8 »

Fale
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Fri Oct 13, 2006 7:45 pm
Location: Guriga

Re: C/LAAHI YUUSUF IYO CEYDIID {ILA QOSOL}

Post by Fale »

Wax kale keen..midaan waa kugu daadsan tahay wiilyahow badhida weyn
C_sharaf
Posts: 7
Joined: Sat Jun 23, 2007 8:10 pm

Re: C/LAAHI YUUSUF IYO CEYDIID {ILA QOSOL}

Post by C_sharaf »

..laaxowla..c.yuusuf aad aqli ku sheegtay sxb....halka ceydiiidkii..la Ogaa aad ku sheegtay nin waalaan ...maybe dhayaco fatakuus baad tahay.kk Very Happy Very Happy chil sxb
nasringurl
Posts: 25
Joined: Mon May 12, 2008 3:06 pm

Re: C/LAAHI YUUSUF IYO CEYDIID {ILA QOSOL}

Post by nasringurl »

looolz kalaay that waz funny heedhe
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ila Qosol - Soomaali”