Zamzam was fasting when she ran

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Zamzam was fasting when she ran

Post by zingii »

Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Mid ka mid ah ciyaaryahannadii Soomaaliya ku matalayay ciyaaraha Olombikada ee London 2012, Maxamed Xasan Maxamed ayaa diiday inay magan-galyo weydiisteen dowladda Britain, isagoo sheegay inay maalinta Talaadada ah ee soo socta ay ku laabanayaan Soomaaliya.

Ciyaaryahanadda Zamzam Maxamed Faarax ayaa horay ugu sheegtay Telefishinka Universal ee xaruntiisu tahay London inay fariimo loogu sheegayo in la dili doono ay heleen, balse ma sheegin inay doonayso inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Maxamed Xasan oo ka qaybgalay orodkii 400-mitir ayaa sheegay inaysan doonayn in ay joogaan London, isagoo xusay inay ku laabayaan Soomaaliya xilli uu wareysi siinayay BBC-da qaybta Soomaaliga.

"Hanjabaadyo badan ayaa dhinaca Facebook-ga naloo soo marsiiyay, xitaa waalidkey waa la wacay waxaana loo sheegay in tallaabo la iga qaadi doono markii ay ku laabto Soomaaliya," ayay tiri Zamzam.

Labadan orodyahan ayaa waxay mar kale calanka Soomaaliya kasoo muujiyeen meel ay dunida oo dhanj isugu timid, waxayna Zamzam ay ku dhex socotay garoonka ay ciyaaruhu ka dhacayeen iyadoo xambaasan calanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Zamzam oo 21-jira ah ayaa waxay ka qayb-gashay oroddada 400-mitir ee gabadhaha iyadoo ka gashay kaalinta ugu dambeysa, waxayna xirnayd intii uu ay ordaysay dhar asturaya jirkeeda, iyadoo xilliga ay ordaysay soomanayd.
Maxamed oo 20-jir ah ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay Soomaaliya dib ugu laabtaan, isagoo sheegay inay jiraan hanjabaadyo soo gaaray, balse aysan marna doonayn inay sumcaddooda iyo midda dalkooda ay xumeeyaan.

Hadalka orodyahannadan ayaa imaanaya iyadoo dhaawanahan ay warbaahinta kala duwan ee Soomaalidu baahinayeen in Zamzam iyo Maxamed ay magan-galyo weydiisteen dowladda Britain.

Bishii Abriil ee sannadkan ayaa waxaa guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed, Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) iyo guddoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Siciid Maxamuud Nuur (Mugambe) lagu dilay qarax ka dhacay Tiyaartarka Muqdisho, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

http://hiiraan.com/news/2012/Aug/warark ... -18930.htm
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Zamzam was fasting when she ran

Post by AhlulbaytSoldier »

Without amisom as guards, they wont make it alive.
May Allah protect them. Mogadishu is now going through assassination period.
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Zamzam was fasting when she ran

Post by Cirwaaq »

Image

AMISOM and TFG will be the ones who arrange their assassination so as to secure greater funds from the international community.

I see two Victims about to be sacrificed for greed :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”