
Ma duugoowdo Taariikhdu Hadii aan la duugin(Kumuu ahaa Shire Jaamac Axmed?)
Shire Jaamac Axmed waa Curiyihii fartan Soomaaliga ah ee aynu maanta wax ku qorno wuxuu shire waxa uu qorista Far Soomaaliiga bilaabay 1957 inta aan document ka hayno ee uu soo saaray, dabcan kahor ayuu bilaabay inta uusan soo saarin 1957, ballse waxa uu faafinta si rasmiya u bilaabay 1963 inta aan hayno,.
Isagoo markaas soo saari jiray Magazine-ka Iftiinka aqoonta oo Afar iyo tobnaadle ah macnaha 2dii asbuucba marbuu soo bixi jiray taas oo uu u kalla baahin jiray Gudaha dalka Soomaaliya iyo aduunka kallaba,.
IFTIINKA AQOONTU wuxuu ahaa Buug yare ama Magaziine (mujalad) wuxuuna ku soo bandhigi jiray taariikh-da Suugaanta AF-ka iyo Dhaqnka hoddanka ee dadka Soomaaliyeed isagoo ku dhiiri gelinayey tusaaleynayey in fartaan uu curiyey ay noqon karto malaaha tan ugu haboon ee loo adeegsan karo in Af-Soomaaligu far qoran yeesho,
In Af -Soomaaliga uu ku qoro, Magazine kiissan waxay ka cawisay in ay dad badan dheegtaan oo ay ku xirmaan, waxaana marka loo iibgaynayo meelaha kala duwan ee caalamka iyo gudaha Soomaaliyaba uu ku qori jiray qiimaha lagu iibiyo o meesha sare loga qorii jiray iyada oo Soomaali ah sida (Sh.So )oo ay inta taqaana fahmayaan intaan aqona mark aloo micneeyo ay garankareen.
Shire waxa uu Fartan ku qoray 9 Buug oo ka tarjumaya waqtiga iyo Juhdiga uu galiyay sidii fartaan u shaqeyn lahayd, isaga oo cuskanayay in fartaan ay tahay mid afkeena hooyo ku xiran isla markana ka tarkumaysa qaab fudayd la fahmi karo.
Shire jaamac waxa uu Buugaagtan qoray dhamantood kahor 1967 ku waas oo dhamaantood u qoran sidan aan maanta af soomaaliga u qorno. iyo 2 buug oo mid yahay naxwihii ugu horeeyey uu Af-Soomali ku soo baxa 1976 iyo sheekadii ugu horaysay oo Af-Soomaalig ku soo baxda markii Far-Soomaaliga la hirgelieyey 1973.
Magacyadii buugaagtii uu qoray waa sidan
Iftiinka Aqoonta 15 Febraury 1965
IFTIINKA AQOONTA 30 March 1965
IFTIINKA AQOONTA 10 Novembre 1966
IFTIINKA AQOONTA 30 November 1966
IFTIINKA AQOONTA 25 JANUARY 1967
Wiil Waal (Garaad Faarax) Sheekadiisii July 1967
INTII FARTA KAL HIRGELIYEY KADIB
Sheekaddii uggu horaysay ee Wasaaradii Hidaha iyo tacliinta sare soo saarto oo lagacedda la yiraahdo ROOXAAN 1973
IYO BUUGGII UGU HOREEYEY EE NAXWE AF-SOOMAALI KU QORAN OO UU DAABACAY 1976
Shire Jaamac Axmed waxa uu Soomaalida u soo gudbiyay wax weyn oo manta Saqiir iyo kabiir ay ku adeegtaan, isku diraan wax ku bartaan, inkasta oo uusan dowladii Maxed Siyaad ka helin in Maqaamkiisa la muujiyo hadana wax au mudanyahay in si dhan ah Soomaalidu ula socdaan qofka wax soo kordhiyay.
Ninkaasi wuxuu noo sameeyey fartii wuxuuna ku daray hirgelinteedii markuu labo asbuuc oo kasta uu soo saarayey, arintaas waa inaad xustaa documentigaan oo dhana wuxuu yaalaa jaamacaddaha waa weyn ee afafka lagu barto sidda University of London oo xiligaas la keeni jiray.
Waxaan idin soo gudbin donaa Taariikh intaan ka faah faahsan oo ku saabsan Shire Jaamax Axmed