Bu'ale Capitol of Jubbaland
Posted: Thu Aug 16, 2012 3:16 pm
Waxaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ku soo idlaaday Shirki Gudiga Farsamada Maamul usameynta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Shirkaan oo ay ka qayb qadanayeen Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba xubno ka socda Beesha Calamka ayaa waxaa uu soconayay kudhawaad bil waxaana lagu jeex jeexaayay qaab dhismeedka Dowlad Goboleedka Jubbaland State iyo dhamaan qodobada Saldhiga u ah Dhismaha Dowlad Goboleed buuxda.
Shirkaan ayaa waxaa uu so maray Marxaalada kala duwan waxaana ergadi kala matalaysay Dhinacyada sameynta ku leh Gobolada Jubboyinka iyo Gedo dhex marayay doodo kulul oo mararka qaar sababayay in la dib dhigto qodobada la isku hayo balse waxaa guud ahaan dhinacyadaasi ka go,nayd in ay ka mira dhaliyaan Dhismaha Dowlad Goboleedka Jubbaland State.
Beesha Calamka ayaa ayadan si firfircoon shirka uga qayb qadanaysay waxaayna ku cadaadinaysay Dhinacyada ka qaybgalayay Shirkaas in ay isku tanaasulaan isla markaana Shirkooda ay ka soo saraan qodobo dhidibada u taagi kara Maamul Goboleedka Jubbaland State.
Saxiixeyaasha Qorshaha Nabad Jubbaland ee kala ah Dr Cabdi Cali oo Dowlada ka socda Sh. Axmed Madoobe oo Rakambooni ka socday Sh. Maxamed Aw-libaax oo Ahlusunna ka socda Gandi oo Azaaniya ka socda iyo Gen Fartaag oo ka socda Maamulka Gedo iyo Darwiish oo ka socda Harti Group, ayaa ayaguna wakiiladooda ku caadinayay in Shirkooda ay ka soosaraan Qodobadi buddhiga u noqon laha Dowlad Goboleedka Jubbaland State ee laga hergalinaayo Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Kulamo badan oo ay habeyn iyo malinba wadayeelanayeen Gudiga Farsamada Maamul usameynta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxaay isku raceen Qodobadan.
1- Maamulka Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaa uu qadanaya Magaca ah Jubbaland State Of Somalia
2- Barlamanka Maamulka Jubbaland State waxaa uu ka kobnaan doono 60 Mudane Barlaman.
3-Golaha Wasiirada Jubbaland State of Somalia waxa uu ka kobnaan doonan 10 Wasiir
4- Casimada Maamulka Jubbaland State of Somalia wa Magaalada Bu”aale waxayna yeelanaysa xeer Casimadeed
5 -Jubbaland State waxaay yeelanaysa Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen, wali ma cada inta madaxweyne kuxigeen ee ay yeelanayso.
6- Waxaa sido kale la isku racay calanka Dowlad Goboleedka Jubbaland State Of Somalia ay si gooni ah u yelanayso marka laga soo tago kan Somalia oo ah Calanka rasmiga ah iyo Qodobo kale oo badan oo Buddhig uu ah Dhisida Dowlada Goboleed Cusub.
7- Waxaa Ergadu ay isku racaday in ay qataan 10 bari oo fasax ah 27 bishaan Augousto na dib la iskugu soo laabto ayado la soo dhamaystiray Ergoyinki ka qayb gali laha Shirweynaha Dhidibada logu taagaayo Maamul Goboleedka Jubbaland State Of Somalia .
8-Shirweynaha Dhidibada logu taagaayo Maamul Goboleedka Jubbaland State Of Somalia waxaa lagu doran doona Madaxweynaha Jubbaland State Of Somalia iyo Kuxigeenkisa waxaa sido kale lagu wada in lagu so xulo Xubnaha Barlamanka Jubbaland State.
Madaxweynaha waxaa dooran doono Ergoyinka Shirka ka soo qayb galaya oo garaya 500 oo ergo waxaa wali hubaanti la,an ay ka tagaan tahay goobta uu Shirweynaha ka dhacaayo ayado horay lo qorsheyay in uu ka dhaco Magaalo ka mid ah Gobolada Jubboyinka iyo Gedo balse waxaa hada iska soo daba dhacaya dalabyo ka imanaya beesha calamka oo dalbanaya in Shirkaasi lagu qabto goob Amaankeeda la isku haleyn karo madaama ay donayaan in ay u soo dirsadaan Goobjoogeel calami ah.
Ugu danbeyn waxaa lagu wada in dhawaan Saxaafada la soo gaarsiiyo Warmurtiyeed rasmi ah oo ku sabsan qodobada ay ku heshiyeen Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka oo faafahsan