Ma la cuni karaa Waraabaha?

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Ma la cuni karaa Waraabaha?

Post by ina Warfaa »

Ma la cuni karaa Waraabaha?

Daliilka ku soo arooray in Waraabaha la cuni karo:

Ibnu Abii Cammaar ayaa wuxuu yiri: Waxaan ku iri Jaabir: Waraabaha ma ugaar baa? Wuxuu yiri: Haa. Waxaan ku iri: Ma cuni karaa? Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri waxaan iri: Ma waxaa yiri Rasuulka Eebbe ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee? Wuxuu yiri: Haa.
Waxaana weriyay Tirmidi, waxaana Saxiix ka dhigey Albaani.

ابْنِ أَبِي عَمَّارٍ قَالَ : قُلْتُ لِجَابِرٍ : الضَّبُعُ أَصَيْدٌ هِيَ ؟ قَالَ : نَعَمْ . قُلْتُ : آكُلُهَا ؟ قَالَ : نَعَمْ . قَالَ قُلْتُ : أَقَالَهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ؟ قَالَ : نَعَمْ . رواه الترمذي (851) وصححه الألباني في "إرواء الغليل" (2494) .

Waxaana qaba Culimada badankood in Waraabaha la cuni karo waxaana ka mid ah Saxaabada tusaale ahaan:

Cali, Ibnu Cumar, Ibnu Cabaas, Jaabir, Abuu Hureyra, Sacad Ibnu Abii Waqaas iyo Abuu Saciid al-Khudri dhammaantood Eebbe ha ka raalli ahaadee.

قول أكثر العلماء وقد رواه ابن أبي شيبة (5/536) وعبد الرزاق (4/523) عن علي وابن عمر وابن عباس وجابر وأبي هريرة وسعد بن أبي وقاص وأبي سعيد الخدري رضي الله عنهم .

Sidoo kale waxaa qabta Mad-habta Soomaalida ee Shaaficiyada iyo Madaahibta kaleba قول أبي يوسف ومحمد من الحنفية ، وقول الشافعية والحنابلة والظاهرية .
انظر : "الأم" (2/272) ، وابن حزم في "المحلى" (7/401) .

Sidoo kale waxaa qabta Culimada Mucaasiriinta sida Sheekh Albaani, Sheekh Ibnu Baaz iyo Sheekh Ibnu Cutheymiinba.

Ugu dambeyn haddaanu ogaaney in Waraabaha uu xalaal yahay waxaa nalooga baahan yahay haddaanu nahay dad Muslimiin ah سمعنا واطعنا yacni waanu maqalney oo waanu yeelnay, khasabna kuguma aha haddaadan dooneyn ama baahi kuu geyn oo sida la og yahayba Doonfaarka iyo Bakhtigaba waa la cuni karaa hadday danta kugu kalifto Eebbaan ka magangalney arrinkaasiye.

http://www.freewebs.com/ina-warfaa/
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: Ma la cuni karaa Waraabaha?

Post by DayaxJeclee »

aay(dog) cudur wato oo aan hido iyo dhaqan u lahayn baay dadka lee yihiin cuna.

mako iyo madiina halaga cuna. Wasaqda ayuu cunaa. xoolaha aan cuno dhir unbay cunaa. mad cow disease ayey somaalida in ay ku ridaan bay doonaayaa.

Mad hyena disease. why they don't preach this massage in arabia.

Digaaguba waa iska igaa wuxuu cunaayo, waraabahuna qashinka iyo wasaqda aas cunaa.

they should serve hyena dish during the hajj period inside macca and medina. qashinka soomaalida in ay ka dhacdhacsiyaan bay rabaan.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”