Ma la cuni karaa Xayawaanadan?
Ma la cuni karaa Abeeso-Lugaleyda ama Masacagaleyda, Faraska, Dameer-Farowga, Libaax-Badeedka, Yaxaaska, Maroodiga, Dawacada?
Waxaa igu kallifey inaan wax ka qoro arrimahan ka dib markaan arkey in dadka qaarkiis ay ka soo horjeesteen in Waraabuhu xalaal yahay Culimada badankoodna ay sidaas qabaan ayaan waxaan jecleystay inaan u soo gudbiyo aqristayaasha waxay culimada ka yiraahdeen xayawaanadan kale si ay u ogaadaan haddana xayawaanadan.
Inkastoo aysan dhaqan u lahayn inay cunaan Soomaalida xayawaanadan haddana waxaa cuna ama cuni jirey xayawaanadan qaarkood Muslimiinta. Sidaas oo ay tahayna haddii ay iska horyimaadaan dhaqanka iyo Diinta haddee Diinta ayaa mudnaanta leh, inkasta oo uusan qofka ku qasbanayn inuu cuno xayawaanadan hadduusan dooneyn ama aysan danta u geyn.
Ma la cuni karaa hilibka Abeeso-Lugaleyda ama Masacagaleyda?
Daliilka ku soo arooray in hilibka Abeeso-Lugaleyda ama Masacagaleyda la cuni karo waxaa ka mid ah:
In Nebiga ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee ay la joogeen qaar ka mid ah Asxaabtiisa uu ku jiro Sacad, waxayna ula yimaadeen hilib Abeeso-Lugaley ama Masacagaley, waxaana dhawaaqday mid ka mid ah xaasaskii Nebiga a.n. : Waa hilib Abeeso-Lugaley ama Masacagaley, Rasuulkii Eebbana a.n. wuxuu yiri: (Cuna ee waa Xalaalee hase ahaatee ka mid ma aha cuntadeyda).
Muslim ayaa wuxuu ku weriyay kitaabkiisa Saxiixa ah.
أن النبي صلى اللهعليه وسلم كان معهناس من أصحابه فيهمسعد . وأتوا بلحم ضب. فنادت امرأة من نساءالنبي صلى الله عليهوسلم : إنه لحم ضب. فقال رسول الله صلىالله عليه وسلم : ( كلوا، فإنه حلال. ولكنه ليس من طعامي) .
الراوي:عبدالله بن عمرالمحدث:مسلم - المصدر:صحيحمسلم- الصفحة أو الرقم:1944
خلاصة حكم المحدث:صحيح
Waxaana qaba Culimada badankood in hilibka Abeeso-Lugaleyda ama Masacagaleyda la cuni karo, sidoo kale waxaa qabta Mad-habta Soomaalida ee Shaaficiyada iyo Madaahibta kaleba.
وعليه الأكثر ، قالهالموفق رحمه الله كمافي :"المغني" (ـ مع الشرحالكبير) . وهو مذهب السادةالمالكية ـ كما في:" حاشية الدسوقي" (ـ والشافعية ـكما في :"شرح المنهاج" ـوالحنابلة كما في :"الشرحالكبير" (ـ .
Ma la cuni karaa hilibka Faraska?
Daliilka ku soo arooray in hilibka Faraska la cuni karo waxaa ka mid ah:
Asma Bintu Abuu Bakar Eebbe ha ka raalli ahaadee labadoodaba ayaa waxay tiri: (Waxaanu gowracnay waqtigii Nebiga ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee Faras ka dibna waanu cunay)
Bukhaari iyo Muslim ayaa waxay ku weriyeen kitaabkooda Saxiixa ah.
وعن أسماء بنت أبيبكر رضي الله عنهماقالت : ( نحَرْنا على عهدالنبي صلى الله عليهوسلم فرساً فأكلناه ) رواهالبخاري (5191) ومسلم (1942) .
Waxaana qaba Culimada badankood in hilibka Faraska la cuni karo.
ذهب أكثر العلماء إلىجواز أكل الفرس.
Ma la cuni karaa hilibka Dameer-Farowga?
Daliilka ku soo arooray in hilibka Dameer-Farowga la cuni karo waxaa ka mid ah:
Abuu Qataada Eebbe ha ka raalli ahaadee ayaa wuxuu ugaartay Dameer-Farow wuxuuna ula yimid gabal ka mid ah Nebiga ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee ka dibna wuu cunay, wuxuuna ku yiri Asxaabtiisii a.n.: (Waa Xalaal ee cuna)
Bukhaari iyo Muslim ayaa waxay ku weriyeen kitaabkooda Saxiixa ah.
روى البخاري (5492) ومسلم (1196) عن أَبي قَتَادَةَ رضي الله عنه أنه صاد حماراً وحشياً وأتى بقطعة منه للنبي صلى الله عليه وسلم فأكل منه ، وقال لأصحابه صلى الله عليه وسلم : ( هو حلال ، فكلوه ) .
Ma la cuni karaa Libaax-Badeedka?
Waxaa qaba in la cuni karo Culimada uu ka mid yahay Sheekh Ibnu Baaz iyo Guddiga joogtada ee cilmi-baarista iyo fatwada.
السمك كله حلال، سمكالقرش وغيره؛ لعموم قولهتعالى: {أُحِلَّ لَكُمْ صَيْدُالْبَحْرِ وَطَعَامُهُ} [سورة المائدة الآية96] وقوله صلى الله عليهوسلم في البحر: «هوالطهور ماؤه الحل ميتته»(*) وبالله التوفيق، وصلى الله علىنبينا محمد وآله وصحبهوسلم.
اللجنةالدائمة للبحوث العلمية والإفتاء
الرئيس:عبد العزيز بن عبدالله بن باز
عضو: عبد الله بنغديان
عضو: صالح الفوزان
عضو: عبد العزيز آلالشيخ
عضو: بكر أبو زيد
Ma la cuni karaa Yaxaaska?
Waxaa qaba in la cuni karo Culimada uu ka mid yahay Sheekh Ibnu Baaz iyo Guddiga joogtada ee cilmi-baarista iyo fatwada iyo Sheekh Ibnu Cutheymiin.
وقد رجح جماعة منعلمائنا المعاصرين حل أكل التمساح، منهم :
علماء اللجنة الدائمة للإفتاء(22/185) ، والشيخ عبد العزيزبن باز رحمه الله(23/34) .
والخلاصة:
أن الشيخ ابن عثيمينرحمه الله يرى أنأكل التمساح حلال ، وأن التمساح داخل في عموم آية المائدة.
Ma la cuni karaa Maroodiga?
Waxaa qaba in la cuni karo Culimada uu ka mid yahay Imaam Ibnu Xazm, wuxuuna yiri:
وأما الفيل فليس سبعاولا جاء في تحريمهنص، وقال تعالى: { خلقلكم ما في الأرضجميعا } (1) وقال تعالى: { قللا أجد فيما أوحيإلي محرما على طاعميطعمه } (2)؛ وقال تعالى: { وقد فصل لكم ماحرم عليكم } (3) فكل شيء حلالإلا ما جاء نصبتحريمه بهذا جاء نصالقرآن والسنن ولم يأتفي الفيل نص تحريمفهو حلال.
ابن حزم في "المحلى"
Ma la cuni karaa Dawacada?
Waxaa qaba in la cuni karo Culimada uu ka mid yahay Imaam ash-Shaafici iyo Mad-habta Soomaalida ee Shaaficiyadaba.
وذهب الشافعي إلى أنه حلال ، وحكى النووي: اتفاق الشافعية على إباحة الثعلب.
http://www.freewebs.com/ina-warfaa/
Ma la cuni karaa haddana Xayawaanadan?
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- Posts: 51
- Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1174 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 22 Replies
- 924 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 3 Replies
- 720 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 5 Replies
- 867 Views
-
Last post by FieldMarshalMenace
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 27 Replies
- 2118 Views
-
Last post by BlackVelvet
-
- 0 Replies
- 846 Views
-
Last post by ina Warfaa
-
- 0 Replies
- 391 Views
-
Last post by Ayub21
-
- 22 Replies
- 2410 Views
-
Last post by Mureedi
-
- 14 Replies
- 778 Views
-
Last post by TheLoFather