I can verify that Farmaajo's house gets visited every minute of the day, including the newly appointed MP's.

Everybody wanna meet the cheese, so they can have a slice of his cheesy success
Ayadoo la filayo in dhawaan la guda galo Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa Magaalada ka soconaya u diyaar garowga Musharaxiinta u tar tamaya Xilka Madaxtinimada Soomaaliya waxaana Musharaxiinta intooda badan ku mashquulsanyihiin sidii ay ku heli lahaayeen Xildhibaano u Codeeya halka qaar kalana ay ku mashquulsanyihiin sidii ay u iibsan lahaayeen Codkooda.
Markaad Booqato Guryaha ay daganyihiin Ama Hotel-lada Musharaxiinta u tar tamaya Xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaad Dareemaysaa in siwayn loogu kala Horeeyo Dhinacyada kala duwan ee Bulshada, Waxaana jira Qaar kamid ah Musharaxiinta oo Hoteladooda uu imaanayo Qof ama Labo Qof halka qaar kamid ah Aragtidooda oo kaliya kugu qaadanayso Maalmo iyo Asbuucyo.
Qaar kamid ah Musharaxiinta oo la sheekaystay ayaa Aragtiyo kala duwan qabo Kuwaasoo badan koodu iskugu biyo Shubanayaan inay helaan oo kaliya Magac ama Wasiir , halka kuwa kalana ay ka Go’antahay sidii ay mar un u qaban lahaayeen kursiga Madaxwaynaha.
Guriga uu daganyahay Ra,izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo aan Gaaray bal si aan u arko inuu arinta dad yaradi la qabo Musharaxiinta kale ayaa Durba waxay indhahaygu qabteen Boqolaal dadwayne ah oo Tuban Al-baabka hore ee hoyga uu ka daganyahay Muqdisho kuwaasoo badan koodu u socda mar un inay arkaan.
Mar aan wax ka waydiiyay Mid kamid ah Ragii guriga ku sugnaa inuu Faah Faahin iga siiyo bal qaabka wax u socdaan ayuu iishegay inay Maalintii Qaabilaan inka badan 2kun oo Ruux oo iskugu jira Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ah Dadka ugu badan ee soo gaara Hoyga Farmaajo, ayagoo u socda inay la kulmaan si ay ogala hadlaan bal hadii la doorto waxa uu uqabanayo Bulshada Soomaaliyeed, iyo in uu Sidii Ragii hore oo kale Xildhibaanada ula dhaqmi doono hadii uu ku guulaysto kursiga loo tar tamayo.
Farmaajo ayaa la oran karaa Hada Wuxuu yahay Musharaxa ugu badan ee haysta Kalsoonida Xildhibaanada ayadoo arintaasi kuu cadaynayso Sida ay gurigiisa usoo gaarayaan Xildhibaanada Cusub halka Raga kale Gawaari qurxoon ku raadsanayaan Xildhibaanada
Sikastaba Waxaa arintani iskugu biya shuban doontaaa Cidii ku Guulaysta Xilka madaxwaynaha Soomaaliya oo dhawaan looga fadhiyo inay soo doortaan Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Soomaliya.