Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa,oo ah siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay doowladihii soomaray dalka kadib burburkii xukuumadii dhexe oo hadaana ah musharax madaxweyne ee Somalia,ayaa ka dhawaajiyay Zanawi uu ahaa caqabdda kaliya ee hortaagneeyd in dalka Soomaaliya uu yeesho dowlad isku filan oo xoog leh.
Buubaa ayaa sheegay in geerida ku timid Meles ay faa’iidu weyn ugu jarta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maadama uu ahaa caqabada Soomaaliya.
“Hadii alle idmayo,horta Meles markaan kahadlo xaaqiiqda waxa uu ahaa shaqsiga sida weyn uga soo horjeeday in soomaaliya ay gaarto horumar iyo doowladnimo taam ah,waxaa uu kashaqeyn jiray kala jajabinta iyo kala qoqobka Soomaaliya,waxa uu aad u taageeri jiray qaswadayaasha iyo hogaamiye kooxeedyadii dalka,sidaad wada ogtihiin doowladii C/qaasim ee lagu soo dhisay dalka jabuuti isagay kashaqeyn weysay oo waxa uu kusoo hubeeyay hogaamiye kooxeedyadii markaa kusugnaa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Buubaa.
Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa,ayaa sidookale sheegay in Ciidamada Itoobiya ee hadda kusugan gudaha dalka soomaaliya ay saameyn ku yeelan doonto geerida Zanawi ayna isga bixi doonaan dalka,sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada kale Amisom xitaa ay saameeyn ku yeelan doonto geerida Zanawi.
Buubaa ayaa sheegay in mardhow laga maarmi doono ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalka,waxa uuna dowlada soosocota ee ladhisi doono ugu baaqay ineey kashaqeyso dhisida ciidamadii xooga dalka Soomaaliya si looga maarmo gacan shisheeye,loona gaaro isku filnaan.
Warkan kasoo yeeray Prof. Buubaa ayaa kusoo aaday kadib markii ay shalay doowlada itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday geerida Ra’iisul wasaarihii dalkaas ee Meles Zanawi oo beryahanbo aad u xanuunsanayay,waloow ay jireen warar sheegaya inuu mar hore geeriyooday balse laqarinayay.
Xafiiska Wararka Midnimo
http://www.midnimo.com/2012/08/22/ismaa ... d-xoogleh/
Presidential candidate Buuba:Melez was a obstacle to Somalia
Moderator: Moderators
- ZubeirAwal
- SomaliNet Super
- Posts: 15174
- Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
- Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.
Re: Presidential candidate Buuba:Melez was a obstacle to Som
Real nigga, whilst others were crying this guy was saying good riddance.
Re: Presidential candidate Buuba:Melez was a obstacle to Som
^



AbuukarSubeer wrote:Real nigga, whilst others were crying this guy was saying good riddance.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1091 Views
-
Last post by BarreLoyalist0
-
- 31 Replies
- 2242 Views
-
Last post by Phinks
-
- 25 Replies
- 2290 Views
-
Last post by Rebelxx222
-
- 5 Replies
- 1055 Views
-
Last post by sahal80
-
- 43 Replies
- 3550 Views
-
Last post by gemini07
-
- 5 Replies
- 823 Views
-
Last post by Murax
-
- 0 Replies
- 619 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 20 Replies
- 3970 Views
-
Last post by Lillaahiya
-
- 0 Replies
- 525 Views
-
Last post by zingii
-
- 85 Replies
- 507 Views
-
Last post by Xamud.