Prof. Dalxa demands kenya stop exploiting somali oil.
Posted: Thu Aug 23, 2012 1:39 am
Muqdisho: (Sh. M. Network) Mid ka mid ah Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya ayaa ka digay shidaal qodista ay Dowladda Kenya ay ka waddo gobolada Jubbooyinka.
Iyadoo maalmihii dambe ay jireen baaqyo loo jeedinayay Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya oo ku aaddan inay ka hortagaan Ceelalka Shidaal oo ay Dowladda Kenya doonayso inay ka qoddo dalka Soomaaliya ayaa haddana Xildhibaanada cusub ee barlamanka waxa ay ka digeen arrimahaasi.
Xildhibaan Max’ed Cumar Dhalxa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu dowladda Kenya kaga digay sii wadista Ceelalka Shidaal ee la sheegay in Dowladda Kenya ay ka waddo gobolada Jubbooyinka.
Dhalxa ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in Xildhibaanada cusub ay garab ku siiyaan sidii ay kaga hortagi lahaayeen arrimahaasi, maadaama ay yihiin golaha sharci dajinta ee dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Kenya oo qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo ay ka joogaan qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa waxa lagu eedeeyaan inay waddo qodista Ceelal shidaal oo ay ka waddo gobolada Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya.