Ictisaam divided over Zenawi
Posted: Thu Aug 23, 2012 2:09 pm
Al Ictisaam oo ku muransan Baaqii Tacsida Zenawi ee ay soo saareen garab ka mid ah ururka Ictisaam oo ay SomaliMeMo Baahisay
Thursday, 23 August 2012 17:13
Maamulka AmiirNuur
E-mail
Print
PDF
Is afgaran waa meel xun gaaray oo u dhaxeeya Gudiga fulinta ururka Ictisaam iyo qaar ka mid ah culimada ku abtirsata ururka ayaa ka dhex taagan gudaha ururka Ictisaam kadib markii ilaa iyo hadda garab ka mid ah ururku uu ku adkaysanayo in si rasmi ah loo baahiyo Bayaanka Tacsida ah ee gudiga fulintu ka soo saaray geeridii Meles Zanawi.
Garab ka mid ah ururka oo ay hogaaminayaan culimo dhowr ah ayaa illaa iyo hadda si adag iskaga diiday in bayaan caynkaas oo kale ah oo looga tacsiyeynayo Meles Zanawi uu ururka kasoo baxo, waxaana warar hoose oo aanu helayno noo sheegayaan in fadhiyo dhowr ah lagu kala kacay illaa iyo shalay markii xubno ka mid ah ururku ay soo saareen baaqa Tacsida.
Xubin ka mid ah ducaadda Ictisaam oo goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah kulumada la isku mari waayey ayaa SomaliMeMo u sheegay in qaar ka mid ah culumada Ictisaam ay hanjabaad ka keeneen hadii la baahiyo Bayaanka in ay ururka iskaga baxayaan.
SomaliMeMo ayaa Baahisay Baaq Tacsi ah oo uu ururku kaga tacsiyeynayo geeridii Meles Zanawi, waxaana ku saxiixan madaxa gudiga fulinta ururka Ictisaam Sh Axmed C/Samad, waxaana tacsi loogu dirayaa shacabka Itoobiya iyo ahalka iyo qaraabadii uu ka tagay Fircoonkii bakhtiyey ee Zanawi, Baaqu wuxuu ku astaysan yahay Taariikhdu markii ay ahayd 3 Shawwaal 1433 oo waafaqsan 21/08/2012, taas oo ah xiligii la shaaciyey geerida Zenawi.
Illaa iyo hadda wax diidmo ah oo ku aadan Baaqaas kama soo bixin ururka Ictisaam, marka laga reebo wiilal yar yar oo si jaahilnimo ku dheehan tahay wax ugu soo qoray website-ka hagardaamada.
SomaliMeMo waxay mar labaad xiriir dhanka emailka ah la samaysay Gudiga fulinta Al Ictisaam, waxayna wax ka weydiisay Baaqaan kasoo baxay ururkooda illaa iyo haddana wax jawaab ah kama aysan helin.