
War Deg Deg ah– Xuseen Carab Ciise oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya
Posted by Pi on August 23rd, 2012
Warar rasmi ah oo iminka soo gaarey Pi ayaa sheegay in Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xukumada RW Cabdiwali mudane Xuseen Carab Ciise uu isu soo taagay tartanka Madaxweynanimada Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise wuxuu goordhow si rasmi ah u shaacinayaa inuu yahay Musharax.
Xuseen Carab Ciise ayaa kamid ahaa wasiirada ugu firfircoon Xukuumada Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Xuseen Carab ciise ayaa naloo xaqiijiyey Musharxnimadiisa, wuxuuna goor dhow ku dhawaaqayaa inuu yahay Musharax.
Kalasoco wararkayaga dambe.
Puntlandi.com
Xarunta Wararka Deg Dega ah
123@puntlandi.com