Ma la soomi karaa Lixda Shawaal hadday ku soo aaddo maalin Sabti ah?
Waxaan ku guda jirnaa bishii Shawaal oo ay Sunno tahay in lix casho oo ka mid ah la Soomo, hase ahaatee maxaa laga yeelayaa hadday Sabti ku soo aaddo?
Sidaas darteed waxaan jeclaystay in aan u soo gudbiyo dadka la socda iyo kuwa aan la soconba Xaddiiskan:
لا تصوموا يوم السبت إلا فيما افترض عليكم وإن لم يجد أحدكم إلا لحاء عنبة أو عود شجرة فليمضغه
الراوي:الصماء بنت بسر المحدث:الألباني - المصدر:إرواء الغليل-الصفحة أو الرقم:4/118
خلاصة حكم المحدث:صحيح على شرط البخاري
Oo macnihiisu yahay:
Ha soomina maalinta Sabtida Soon la idinku waajib yeelay mooyee, hadduusan helina midkiin qolof canab mooyee ama laan geed ha iska calaanjiyo.
Waana Xaddiis sugan.
Wuxuu ku yiri al-Muxaddis al-Faqiih Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- isagoo ka hadlaya Xaddiiskan kitaabkiisa la yiraahdo تمام المنة bogga 406:
In loo fasiro Xaddiiska in loo diidayo soonka sabtida keli ahaantiisa wuxuu ka hor imaanayaa hadalka Rasuulka c.s.w. ee uu leeyahay:
" إلا فيما افترض عليكم "
Oo macnaheedu yahay: In la idinku waajib yeelay mooyee.
Sidoo kale waxaa jira Axaaddiis laga dhadhansanayo macnahooda in la soomi karo, sidaas darteed waan iswaafajin karnaa oo kulmin karnaa Xaddiiskan iyo Axaaddiista kale haddii aan doonayno inaan raacno Qawaacidda cilmiga ee ku qoran kutubta Usuusha sida:
1.Culimada Usuusha oo yiraahda hadday iska horyimaadaan Axaaddiista midna oggolaanaya midna diidaya, waxaa la qaadanayaa midka diidaya oo waa laga tagayaa midka oggolaanaya.
2.Hadday iska horyimaadaan Axaaddiista ka hadlaysa Nebiga c.s.w. wuxuu yiri iyo wuxuu sameeyay, waxaa la qaadanayaa Nebiga c.s.w. wuxuu yiri oo waa laga tagayaa wuxuu sameeyay.
Qofkii u kuurgala Axaaddiista ka hor imaanaya Xaddiiskan aan kor ku soo sheegnay, waxaa u soo baxaysa inay yihiin laba jaad:
1.Nebiga c.s.w. wuxuu sameeyay iyo soonkiisii,.
2.Nebiga c.s.w. wuxuu yiri sida Xaddiiska ابن عمرو
Waxaana muuqda oo iska cad labada Xaddiisba waa la soomi karaa, kolkaasoo in la kulmiyo Axaaddiista oggolaanaya iyo Xaddiiska diidaya waxay noqonaysaa haddii aan dabbaqno Qaacidada Usuuliga inaan qaadano Xadiiska diidaya maxaa yeelay waa kii diidayay, Xaddiiska kalena waa kii oggolaanayay. Sidoo kale wuxuu Nebigu c.s.w. ku yiri Juweyriya:
" أتريدين أن تصومي غدا " Oo macnaheedu yahay: Ma doonaysaa inaad soonto beri. Macnihiisuna yahay in loo oggol yahay sidoo kale, waana laga tagayaa Xaddiiskan oggolaanaya oo waxaa la qaadanayaa Xaddiiska diidaya sida ay oranayso Qaacidada Usuuliga ee aan kor ku soo sheegnay.
http://www.freewebs.com/ina-warfaa/
Ma la soomi karaa Lixda Shawaal hadday ku soo aaddo maalin?
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- Posts: 51
- Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1017 Views
-
Last post by abuu_dujaana
-
- 8 Replies
- 392 Views
-
Last post by MiSy_eSKiMo0
-
- 5 Replies
- 387 Views
-
Last post by Lillaahiya
-
- 0 Replies
- 178 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 0 Replies
- 197 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 26 Replies
- 2248 Views
-
Last post by Meyle
-
- 13 Replies
- 1422 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 19 Replies
- 1263 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 4 Replies
- 681 Views
-
Last post by TheFuturist
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by TheLoFather