Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine
Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane
Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina


AF SOOMAALI HA NOOLAATO
Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyoo kureygu heegaayo
Oo hoobey loo qaaday iyo hadal Walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne
Hammada beena baan idhi malaha waad la hurudaaye
Hareertayda oo madhan is idhi haabo gacanteeda
Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
Hogaansigeedii dambaan soo habaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii Aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
Haab-haabtay labadii go'oo shaadhkii maan heline
U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yidhiye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiqleeyey sida naag la yidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin ood ku hammidaa hadimo weeyaane
Ho-heey iyo Ho-heey maxaa hadimo la ii geystey