Muqdisho (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar ahaan jiray afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee shalay doortay gudoomiyaha cusub ugu goodiyey inuu dib siyaasada ugu soo laaban doono afar sano kadib marka waqtiga dawlada cusub ee dhamaado.
Shariif Xasan oo la hadlay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka oo qaarkood shalay la kulmeen kadib markii uu xilka afhayeenka baarlamaanka ku guuleystay Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa u sheegay inuusan marnaba ka raja dhigin siyaasada oo uu dib ugu soo laaban doono.
“Waxaan inoo ballan ah afar sano kadib” ayuu si kaftan leh ku yiri Shariif Xasan oo uu ka muuqday daal badan habeenkii xalay isagoo ay dhinac fadhiyeen qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka cusub, waxaana hadalkiisa loo fasortay inuu abaabul siyaasadeed soo sameyn doono marka ay dhamaato afarta sano ee soo socota ee dawladan cusub ay shaqeyneyso.
Guusha Prof Jawaari inkastoo aad loo filayey, waxaa hadda xusid mudan in C/weli Muudey oo ahaa gacanyarihii Shariif oo isaguna u sharaxnaa jagada gudoomiye ku xigeenka uu isaguna ku guuldareystay doorashadii xalay kadib markii Jeylaani Nuur Iikar loo doortay xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, arintaasoo markale quus ku riday taageerayaasha Shariif Xasan oo markii horaba ka walaacsanaa guusha Jawaari.
Maqnaashaha Shariif Xasan iyo fursada ku jirta!
Hadalheynta ugu badan ee gudaha dalka ayaa ah inuu meesha ka baxay Shariif Xasan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu sameynta badan siyaasadda dalka isla markaana loo aaneynayo inuu abuuray khilaafaad fara badan oo dawladaha dalka soo maray ragaadiyey, waxaana ka bixida uu siyaasadda ka baxay ay dad badan u arkaan mid fursad u ah deawladnimada Soomaaliya.
Hase yeeshee, dadka qaba dareenkaasi waxay kuu sheegayaan in weli hooskiisa aanu meesha ka maqneyn maadaama xubno badan oo isaga ku fikir ah ay weli ku dhex jiraan baarlamaanka cusub.
Dhanka kale doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa hadda loo diyaargaroobayaa waana meesha uu markale Shariif Xasan ku soo bandhigi doono awooda ay leeyihiin taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka. Waayo waxaa la tuhunsan yahay in xildhibaano gaaraya 65 uu gaanta ku heysto Shariif Xasan kuwaasoo uu ku gorgortami karo mar haddii uu ku fashilmay jagada afhayeenka baarlamaanka oo uu la rabay shakhsi ka soo jeeda beelaha kale sii uu isaguna fursad ugu helo jagada madaxweynaha oo uu beryahanba u ordayey.
Si kastaba dad badan ayaa sheegaya in doorashadii shalay ka dhacday baarlamaanka Soomaaliya ay ahayd mid taariikhi ah oo wax badan ka bedeshay habkii looga bartay baarlamaanada kumeelgaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya.
Sharif sakiin i will be back
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Posts: 31
- Joined: Thu Aug 18, 2011 12:50 pm
Re: Sharif sakiin i will be back
Sharif Hassan sheikh aden is a genius politician who was fighting to end status quote of daarod and hawiye to lead Somalia. Unfortunately sheikh sharif handpicked jawaari to undermine the digil and mirifle dream
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Sharif sakiin i will be back
How does he know he will live 4 years from now? I hope he said inshaallaah.
Sakiin has now been sliced and diced by Sharif. Maybe they should switch nick names.
Sakiin has now been sliced and diced by Sharif. Maybe they should switch nick names.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: Sharif sakiin i will be back
Isn't Shariif the same guy who had his MP's vote in favor for this guy?TheblueNwhite wrote:How does he know he will live 4 years from now? I hope he said inshaallaah.
Sakiin has now been sliced and diced by Sharif. Maybe they should switch nick names.

- greenday
- SomaliNet Super
- Posts: 12366
- Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
- Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!
Re: Sharif sakiin i will be back
I dont see why people hate on ninkaan, he is welcome back plus he aint going anywhere waa MP 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7582
- Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
- Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men
Re: Sharif sakiin i will be back
dalxiis was in favor of sakiin he wanted sakiin as Prime minister and he remain travel agent/ major of mogadishu / dameer milker. but as it turned out his plan failed.
- Shirib
- SomaliNet Super
- Posts: 26911
- Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
- Location: May God grant us victory.
Re: Sharif sakiin i will be back
that's not true. Jawaari was brought by Dalxiis to get rid of sakiin.Nomand wrote:dalxiis was in favor of sakiin he wanted sakiin as Prime minister and he remain travel agent/ major of mogadishu / dameer milker. but as it turned out his plan failed.
Both Hawiye and Darood voted in favor of Jawaarizingii wrote:Isn't Shariif the same guy who had his MP's vote in favor for this guy?TheblueNwhite wrote:How does he know he will live 4 years from now? I hope he said inshaallaah.
Sakiin has now been sliced and diced by Sharif. Maybe they should switch nick names.
- Shirib
- SomaliNet Super
- Posts: 26911
- Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
- Location: May God grant us victory.
Re: Sharif sakiin i will be back
Shariif Hassan should work on a federal D&M state. Forget the Presidency
Re: Sharif sakiin i will be back
Shirib wrote:Shariif Hassan should work on a federal D&M state. Forget the Presidency

Bay/Bakool/Shabeele Hoose can be a awesome state
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 47 Replies
- 4849 Views
-
Last post by xidigow
-
- 32 Replies
- 2873 Views
-
Last post by Amirsade
-
- 0 Replies
- 568 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 2 Replies
- 512 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 30 Replies
- 2681 Views
-
Last post by Shirib
-
- 1 Replies
- 430 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 8 Replies
- 672 Views
-
Last post by GacanSareeye
-
- 32 Replies
- 439 Views
-
Last post by Murax