
Codkii dadka baahan
Carooga saboolka
Adduunka ku ciilan
Anaa cudha haysta
Anaa cabdilaahi
Wargeys u ah caydha
Caloosha danlayda
Anaa cabibiraaya
Anaa carrabkayga
Xammaalku cabbaayo
U diiday cirweyne
Inaan ku casuumo
Gafuuro caro yeelkii
Intaan Cosob raaco
Wallee isma caayo
Waxayse tahay caawa
Calaacali mayo
Halbaa curanaysa
Ufaa cararaysa
Malaha cir da’aaya
U sii ah calaamad
Haddeerse caleenta
Xagaagu caddeeyay
Cimraa u run sheegay
Dhurwaaga ciyaaya
Cabaadka naf weeye
Ciyowga higgooday
Wuxuu ka cif leeyay
Colaad ka horraysa
Cagaa heli doona
Cadceed galabkeedu
Godkay cirif joogto
Dan bay u ciiri
Waxa taas la cayn ah
Cadaawad jabaaya
Haddaan helo ciidan
Ninkaa Cadbi koow dheh
Su’aal yarna ii cub
Ayaa ku cadaadshay
Waxaad dhaqday beer cad
Ayaw jaray cawda
Shabeelkii Cagoole
Hadduu dad cunoobay
Jir caato ah doontay
Caddiinkana diiday
Hadmaad u cabiidsan
Hadmaad ka cad goodsan
Haddaad caqli leeday
Intaad cilmi baadho
Car suuqa madoobi
Cidduu yahay soo hel
Cagaarka la leefay
Cirroolaha baahan
Ciyaalka jal belay
Hablaha carcaraafay
Cibaarada joogta
Canaanta ayaa leh?
Ma jeeble har cawlan
Ayaa ku curyaanshay?
Kumaa cadowgaaya?
Ninka kuu cudud sheegtay
Dhashaadana ceershay
Nin uu camalkiisu
Jar dheer kula ciiray
Nin ceebta korkiisa
Caddaan ugu taalo
Aroorba cid saara
Maxaad u cawaansan?
Fulaha cararaaya
Maxaad ugu ciidmi
Dhiqlaha ku cunaaya
Intaad ka cabsooto
Maxaad laf cagaagan
Islaan cimri gooys ah
Cibaado saboola
Culayska u saari?
Miyaan cadda loolka
Habeenkii cayaarta
Carruurtu ku heesin
Maroodi cadhoole
Hadii col la sheego
Cadaada ku meere
Hashii cosob waa tan………….!!!!!