Wararka ka’imaanaya magaala Xeebeedka Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanada Al-shabaab ay xalay faarujiyeen magaalada kadib markii lasheegan in ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay magaalada kaga soo wajahanyihiin 3-jiho.
Ciidamada doowlada Iyo kuwa Kenya ayaa lasheegay in aay hada ku suganyihiin meel magaalada kismaayo ujirta wax kayar 25km,sidookale waxaaa lasheegayaa in dhanka xeebtana ay kusoo dhowaadeen maraakiib dagaal oo lasheegay ineey qeyb kayihiin duulaanka Kismaayo.
Dad kusugan gudaha magaalada ayaa warbaahinta usheegay in Ciidamadii Al-shabaab ee dhufeyska kasameystay afaafka hore ee magaalada ay xalay faarujiyeen kadib markii ay kabaqeen duqeynta diyaaradaha qumaatiga ukaca kuwaaasoo iyagana lasheegay ineey qeyb kayihiin dagaalka.
AL-Shabaab waxaa hada so wajahaya guul darooyin is xigxiga,waxaana hadii magaalada Kismaayo laga qabsado ay kadhigantahay ineey lumiyeen magaalo aad muhiim ugu ah isla markaasna uu kasoo gali jiray daqliga ugu badan ee ay ku maalgaliyaan hoowlahooda qarbudaada iyo isqarxinta kusaabsan.
http://www.midnimo.com/2012/08/30/al-sh ... -kismaayo/
ceyr, gaaljecel and shiikhaal what are you waiting ?
