odinga Shabaab wants to divide Muslim&Christians in kenya

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

odinga Shabaab wants to divide Muslim&Christians in kenya

Post by Khalid Ali »

Raila Odinga: “Al-Shabaab waxay doonayaan inay bulshada Kenya kala qeybiyaan oo ay u kala saaraan Muslimiin iyo Kirishtan is dagaala waa inaad ka hor tagtaan”
Hargeysa(Waaheen. R/wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku eedeeyay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta inay ka dambeeyaan qalalaasaha iyo rabshadaha ka jira magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Kenya ee Mombasa oo maalmihii la soo dhaafay ay rabshado ka jireen.
Raila Odinga waxaa uu sheegay in dad ka tirsan Al-Shabab ay si buuxda ugu lug leeyihiin rabshadaha willi ka jira magaalada Mombasa waxaana uu intaa ku daray in dadka rabshadaha wada ay hormuud u yihiin xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab.
Hay’adaha amaanka ayuu sheegay Raila Odinga inay ogaadeen in xubno taabacsan Al-Shabab ay ku dhex jiraan dad rabshadaha magaalada Mombasa ka wada waxaana uu intaa ku daray in xogta ay hayaan in Shababku ay dambeeyaan dilkii wadaad Muslim ahaa oo dhawaan lagu dilay magaalada Mombasa.
“Waxay doonayaan inay bulshada Kenya kala qeybiyaan oo ay u kala saaraan Muslimiin iyo Kirishtan is dagaala waa inaad ka hor tagtaan” ayuu yiri R/wasaaraha Kenya.
Odinga waxaa uuu xusay in dawladiisu ay ka hor tagayso falalka Shababku ka wadaan gudaha dalkiisa sida uu hadalka u yiri.
Dhanka kale xarun ay leeyihiin dhalinyarada Muslimiinta Kenya ayaa bayaan laga soo saaraay oo lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabab waxaa lagu sheegay in dawlada Kenya ay mas’uul ka aheyd dilkii Sh, Cabuud Rogo.
Rabshadaha ka jira magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya oo ka dhashay dil ay koox hubeysan u geysteen wadaad horey loogu eedeeyay inuu Al-Shabab taageero ayaa cirka isku shareertay waxaana rabshaduhu yihiin kuwo ay ka dhasheen khasaaro nafeed.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”