Fufus should give up with their silly dream
Posted: Tue Sep 04, 2012 12:13 pm
Dagaal Saddex Geesood ah oo ka Qarxay
Hareeraha Kismaayo iyo Xaaladda oo Caawa Cakiran
September 4th 2012 · 0 Comments
Kismaayo (DHM-News):- Wararka iminka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaaya in dagaal aad u xooggan uu ka qarxay dheegaano dhowr ah oo u dhow magaaladaasi.
Dagaalka oo saddex jiho ka socda ayaa waxaa soo qaaday Ciidamada Dowladda, kuwa Ururka Raaskaambooni iyo Ciidamada Kenya ee taageeraaya.
Dagaalka oo bilowday galabta gabal dhacii ayaa waxaa ka qayb qaadanaaya diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqaymo u geytay fariisimo ay leeyihiin Al shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee gobolka Jubbooyinka Maxamed Faarax Daahir oo aan la xiriirnay goordhowayd ayaa sheegay in halkaasi ay ka socdaan Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in qorshohoodu uu yahay in ay isla caawa gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalku uu ka socdo seddex jiho oo Kismaayo hareeraheeda ah sida dhanka Badhaadhe iyo meel ku beegan deegaanka Buula Xaaji iyo deegaanka Birta Dheer oo Kismaayo u jira 55-KM.
Dad kusugan magaalada Kismaayo oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xaafadaha magaalada qaarkood laga maqlaayo hubka culus ee la isku adeegsanaayo dagaalka maadaama deegaanada qaar ay Ciidamada huwantu kaga soo dhowaadeen maagalada.
Xaaladda guud ee magaalada ayaa deggan hase yeeshee dadku waxay ka war dhowraayaan waxa kasoo kordha dagaalka socda ee magaalada kusoo dhowaaday iyo waxa dhici doona haddii la isla soo galo magaalada.
They wont be able to capture Kismaayo.