so far 5 candidates excluding sheikh dalxis......

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

so far 5 candidates excluding sheikh dalxis......

Post by FarhanYare »

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyay Magacyada Murashaxiin Buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa




--------------------------------------------------------------------------------


Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha, xildhibaan Cismaan Libaax oo kula hadlay warfidiyeenka illinka hore ee xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in shan murashax oo ka mid ah xubnaha doorashada madaxweynimo u taagan ay illaa hadda u soo gudbiyeen foomam ay kusoo buuxinayaan shuruudaha looga baahan yahay.

"Murashaxiinta illaa iyo hadda foomamkii shuruudaha soo buuxiyay oo dib noogu soo celiyay waa shan murashax oo kala ah: C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, C/weli Maxamed Cali Gaas, C/llaahi Axmed Caddoow iyo C/weli Cilmi Goonjeex," ayuu afhayeenku ku sheegay shirkiisa jaraa'id.

Xubnahan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen saxiixa labaatankii xildhibaan ee loo baahnaa inay kalsoonida ka haystaa, inay shubeen lacagihii looga bahnaa ee 10,000 dollar ah iyo iyagoo soo buuxiyay shuruudo kale oo lagu xiray.

"Waxaa inoo diiwaan-gashan 37 murashax, waxaana sugaynaa in inta dhiman ay soo buuxiyeen shuruudaha oo ay soo gudbiyaan illaa 5:00 galabnimo ee maalinta berri ah," ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada.

Su'aal ahaynd inay jiraan xubno ay dib ugu celiyeen foomamkii oo soo buuxin waayya shuruudihii looga bahaa ayaa wuxuu kaga jawaabay inaysan jirin cid ay ku celiyeen foom, isagoo sheegay inay filayaan in xubnaha intooda badan ay dib ugu soo celiyaan foomamka inta aan la gaarin xilliga la joojinayo arji qabsahada.

Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta araajidooda gudbiyay ayaa waxaa kusoo biiray xubno uu ka mid yahay Maslax Maxamed Siyaad oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Siyaad Barre oo 21 sano xukumayay dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: so far 5 candidates excluding sheikh dalxis......

Post by TheblueNwhite »

You must be so far behind in following the news.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”