
http://www.raxanreeb.com/2012/09/xog-la ... a-britain/
Mogadishu [Radio RB] Tan iyo Bishii July sannadkan, markaas oo magaalada London ay martigalisay ciyaarihii Olomibkada adduunka 2012-ka, waxa dalalka ka qeybgalay ka mid ahaa Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa ciyaaraha oradka u matalaayay Sooomaaliya wiil iyo gabar oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed Samsam Maxamed Faarax.
Hadaba markii ay ciyaarahaas soo dhammaatay waxa soo baxay in la waayo ciyaartoy iyo masuuliyiin xagga ciyaaraha oo ku dhex goostay gudaha dalka Ingiriiska.
RBC Radio ayaa dedaal badan galisay siddii loo soo ogaan lahaa ciyaartoydii Soomaaliya uga qeybgashay ciyaarihii Olombikada Adduunka iyo xubnihii la socday halka ay ku dambeeyeen,.
Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgalay ciyaaraha olmbikada adduunka iyo xubno ka mid ah wafdiga la socda
Hadaba waxa aan xiriiro gudaha iyo dibadda la sameenay dad ku dhow xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya iyo GOS, kuwaasoo codsaday in aan magacyadooda loo adeegsan, maadama aysan fasax u heesan warkan in saxaafadda la siiyo.
Hadaba waxa soo baxay warar lahubo oo sheegaya 10-xubnood oo ciyarahii Olompicada London ka qeybgalay oo ay ka mid yihiin Zamzam iyo Maxamed ay ku duseen gudaha dalka Ingiriiska.
Waa ku wee 10-qof ee la sheegay in goosteyn waxa ay kala yihiin:-
Ciyaartoyda iyo xubnaha Soomaalida ee ka qeybgalay ciyaaraha olombikada adduunka
1-Guddoomiye kuxigeenada xiriirka Olom bikada Soomaaliya eeGOS, Prof. Maxamed Cali Caddow.
2- Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Prof. Maxamed Cali.
3- Shaafici Muxiyaddiin Islow oo Xiriirka olombikada Soomaaliya iyo midka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya u qaabilsanaa dhinaca Warfaafinta.
4-Dr Abdi Jiya sidoo kale loo yaqaan Cabdi (CIA) oo ah dhaqtarka guud ee xiriirka olombikada Soomaaliya GOS.
5- Macalin Axmed Xoogheenta GOS
6- Maxamed Xasan Maxamed Tiyow waa wiilka Soomaaliya u matalaayay ciyaaraha Ordadka.
Samsam Maxamed oo ka qeybgalaysa ciyaaraha oradka London
7- Samsam Maxamed Faarax oo ahayd gabadha iyana Soomaaliya uga qeybgashay ciyaarihii Olombikada Adduunka.
Si kastaba ilaa hadda waxa aan helin magacyada seddax xubnood oo labo ka mid ah ay GOS qaab kale ku keentay London, halka Qofka kalena la sheegay in uu la socday Wasiirka shaqada iyo ciyaaraha XKMG ee waqtigeeda dhammaaday Maxamuud Jirde Xuseen, kaasi oo lagu keenay Booskii Wasiiru Dowlihii Wasaaradaasi Prof. Qaloocow.
Sida ay u sheegayn RBC Radio ilo wareedyo lagu kal soon yahay Xubnaha is dhiibay ayaa qaarkood ayaa magacyada badashay halka qaar kalena ay magacyadooda saxda ah isku dhiibeen.
Xogtu waxey intaas ku dareysaa in illaa seddax qof oo ka mid ah Xubnahaasi Markii ay is dhiibeen kaddib loo xawilay (Transfer) Gobolka la yiraahdo Leeds ee ka tirsan dalka Britain.
Ku simaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed GOS, C/llaahi Axmed Tarabi oo ka mid ahaa Wafdiga GOS ugu qeyb galay London Olompic 2012, isla markaana sita Ducumentiga Socdaalka dalka Sweden (Travel Ducument) ayaa marka uu dalka Britian soo galayay kusoo galay Baasaboor Soomaali ah oo VISO Britain leh, laakiin markii uu baxayay aan Passpor-kiisii Soomaaliga ahaa aan isticmaalin isla markaana dib ugu laabtay Sweden, taasi oo shaki gelisay Dowlada Britian Maadaama ay ka fileysay inuu Passport Soomaali ah dib ugu laabto Soomaaliya, iyagoona ku daray liiska dadka loogu shakisan yahay in ay is dhiibeen.
Ku-simaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Faarax ayaa mar sii horreysay waxa uu isaga iyo labada ciyaartoy ee Soomaaliya uga qeybgalay ciyaaraha olombikada adduunka ay gaashanka u daruureen in ay isku dhiibeen dowladda Britain.
Ma cadda wax yaabaha Soomaaliya ay kala kulmi doonto marka ay aadeeso ciyaaraha caalamiga ah, iyo sida loo aamin doono, mana ahan markii ugu horreysay oo shaqsiyaad markii hore ku baxay magac ciyaaro oo ay ku jiraan suxufiyiin ugu dambeyn ay goosteen.
Radio RBC