Somali Presidential Election OFFICIAL THREAD
Posted: Sun Sep 09, 2012 10:40 am
IT is official Tommorrow is the Election Day.I will Try To keep updates in the run up for the presidential election tomorrow.
Sharif Holds the Biggest Gathering of influential MPs ANd people In City Palace Hotel where More Than 500 Of His Supporters Are Attending.
While On the Other Hand ,Farmaajo supporters are holding a Huge Rally At Sayidka Statue.You can Watch Sh.Sharif Converntio Live on Universal TV.
Ololo ballaaran oo xoog leh ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ah kii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo maalinta berri ka dhici doonta.
Ololayaasha oo qeybo dhowr isugu jira ayaa magaalada oo dhan ay hareeyeen, iyadoo saaka ilaa xilligan duhurnimada ah magaalada ay wada noqoto mid saxmad ah, wadooyinkana ay noqdeen kuwo mashquul ah.
Gawaari ay huwan yihiin sawirada Musharaxiinta ayaa isu dhaafaya wadooyinka, waxaana ku jira kuwo cod baahiyeyaal lagu rakibay oo suugaano kala duwan ka daaran yihiin.
25-ka Musharax ayaa loolankooda yahay mid kama dambeys ah, iyadoo caawa ilaa berri ay magaalada geli doono is bedel ka duwan sidii hore.
Hotelaada qaar ayaa waxaa ka socda kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana wadooyinaka si raxan raxan loogu arkayaa dadweyne fara badan oo taageersan musharaxiinta.
Banaan bax lagu taageerayay oo ay ka qeyb galeen dadweyne fara badan ayaa ka dhacay agagaarka Taaladii Sayidka, kaasoo lagu taageerayay Musharaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Munaasabadii ugu ballaarneyd oo lagu taageerayo Madaxweyne Shariif in mar kale la doorto ayaa xilligan ka socota magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa shan boqol ruux oo u badan qeybaha bulshada iyo dadweyne ka yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa ka qeyb galaya Madaweyne Shariif iyo labadiisa Marwo, Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiiro hore iyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.
Munaasabada ayaa waxaa si toos ah looga daawanayaa Telefishinka Universal, iyadoo diyaar garowga yahay mid si heer sare ah u socda, dadweynaha ka qeyb galaya ay wataan sawirada Shariif Sheekh Axmed.
Jawiga ay ku jirto magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga bedelan magaalada muddo 21-sano, waxaana dadka ay hadal hayaan doorashada iyo sida qaban qaabada ay u socoto.
Maalinta berri ayaa la ogaan doona cida ku guuleysata Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ilaa 25-musharax ay haatan ku tartamayaan.