Berigey somalidu somali ahayd , salaafi , wahaabi , khawaarij iyo waxyaala noocas ah la ma aqoon , ma ogtahay ?
Nin waliba iska hadraawi bu aha . Markaa waxa dhacday in wakhtigii laga soo qaxay dhulkii , waddamo ajnabi ah la soo degay . Qaxani anaga uu qudha inagu ma dhicin e , ummad waddamada muslimiinta kale e xukun xaaranka lagu hayo ka socda ba iyana dega. Markaa , horta waxan racism ama xenophobia ga la yidha haddaad u fiirsato , bani aadan oo dhan bu ku dhex jira . Gaaladu iyagu , guri aynu ku soo degno iyo raashin aad ku noolaato ayay ku siiyan e , ninka matalan oromada ah e dhulkeena soo dega , sadaqadda ayaa xitaa ba loo diida oo inta gawaadhi la saaro halkey ka yimaaden lagu cesha
Markaa sheekada aan si wado e , meeshi waxa dhacday in nin Jordan ka socda matalan , mid Afghanistan ka soo jeeda iyo mid Somaali ah ba ka wada cabanayaan "racism" . 3-da nin , mid iyo dhaqan iyo luqad gaar ah bu leeyahay hadda , hase ahaate , diinti baa " common denominator " u noqotay . Taa qudhadeedu ma xuma haddey wax hagaagsan ku qabsan lahayeen e , diinti ba u noqotay "political platform" ay iska ga celiyaan xaq daradan ay sheeganayaan . Hadda waa nin Europe ku nool , oo buurhakaba ku dhashay baa ku odhanaya mid muslim ah baa lagu dilay Kandahar , abohood wasoyiin waa in gaalada la iska celiya

Kii ugu cawaansana e mazar i shariif ka socday baa lagu wada xidhanaya .
Dhibaatadu halkaas ayay jirta .
Qof waliba , yaraanti waalidka dhalay baa u aqli celiya . Badow-gu , ninka aan weligi "school" la gayn , wuxu u kala baxa , waayo arag iyo cawaan . A goat herder can be a very wise man , usually that's a leader in his environment , laakin intooda kale waa iska dad aan wax sidaas ah kala ogayn . Ilmaha qurbaha la keeno , markuu wax kala fahmi waayo , oo waalidkii na iyaguba yaab hayo , ciyaal kale ayuu la tashanaya .
Meel ay ciyaal ku tashadaan , badana dhibaata ka timaad .