Madaxweyne Mudane Faroole visiting Mogadishu

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Madaxweyne Mudane Faroole visiting Mogadishu

Post by AhlulbaytSoldier »

Madaxweyne Faroole oo Saacadaha Soo Socda Kusoo Wajahan Muqdisho
Updated About:1 hour ago 0

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa soo sheegaaya in maanta halkaasi uu ka soo kicitimi doono Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa lagu wadaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ujeedka imaashiyaha Madaxweyne Faroole ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii uu ugu qeyb geli lahaa xafladda caleema saarka ee maalinka berri ah la filaayo in ay ka dhacdo Muqdisho taasi oo lagu caleemo saari doono Madaxweyne cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Proff. Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale warar ayaa intaasi ku daraaya in Madaxweynaha Puntland uu damacsan yahay in maanta uu kala hadlo Madaxweynaha cusub aayaha Puntland iyo sidii ay isula shaqeyn lahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo maamulkaasi maamadama KMG laga baxay.

Magaalada Muqdisho oo berri la filaayo in ay ka dhacdo xaflada xil wareejinta ah ayaa waxaa soo gaaraya xubno ka socda beesha caalamka kuwaasi oo goob joog u noqon doono caalama saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa safarkii labaad ee uu Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ku yimaado magaalada Muqdisho intii uu ahaa Madaxweynaha Puntland, safarkii kan ka horeeyey ayaa waxa uu ku yimi sanadkii 2011-kii xilligaasi oo la furaayey shirkii wadatashiga arrimaha dastuurka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Madaxweyne Mudane Faroole visiting Mogadishu

Post by original dervish »

He should be............ :D
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”