Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriyada
Moderator: Moderators
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriyada
Reserved. Watch this space.
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Wafdi ka kala socda Jaamacadda Carabta iyo Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray
Iyadoo lagu wado in maalinta berito ah dhacdo Xafladda Caleemasaarka oo ay Xilalka ku kala wareegaayaan Madaxawaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaaliya Prof:Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxwaynihii Hore ee Dawlada KMG Soomaaliya Shariif shiikh Axmed ayaa Magaalda Muqsdisho waxaa soo gaaraya Wafuud heer caalami ah oo ka qayb galaya Xafladda Caleemasaarka ah.
Xiriiriyaha Jaamacadda Carabata iyo Midowaga Afrika Samiir Xusni iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta waxay ka soo dageen garoon Diyaaradaha Muqdisho si ay ugu qaybgalaan Xafladda caleema saarka ah.
Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Xakuumaddii Waqtigeedu dhamaadaya Xaamud Cali Maasheeye oo Saxaafadda la hadalay ayaa waxaa ka Warbixiyay Wafdigaan iyo Sababaha ay u yimaadeen Muqdisho waxaana uu tilmamay in wafuudaani sababaha ay u yimaadeen ay tahay in ay wax ka ogadaan isbadalka cusub eeDalka iyo qaabka Xil kala wareejinta ay u dheceyso in ay la socdaann
Samiir Xusni Xariiriyaha Jaamacada iyo Midowga Africa oo isna Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegaya in Magaalada Muqdisho ay u yimaadeen in ay ka qayb galaan Xafladda caleema saarka ah.
Dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ka socday Dowladda Jabuuti si ay ugu qayb galaan xafladda Caleema saarka.
Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha dhilinyada iyo Sports ee Xukuumddii hore ee Waqtigeedu dhamaaday C/laahi Shiikh Cali Qaloocoow oo isna Saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu ka war bixiyaya Wafdigaan ka socda Dowlada Jabuuti
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in ay Magaalda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ka dhacdo Xafladda Caleema saarka oo ay Xilka ku kala wareegayaan Madaxwaynaha Soomaaliya Prof:Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Dowladdii Shariif Shiikh Axmed waxaana Muqdisho soo gaaraya Wafuud heer caalimi ah oo kala socda Dowladaha aan Dariska nahay iyo sidoo kale kuwa daneeya Arimaha Soomaaliya.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Diyaargarowga caleema saarka madaxweynaha oo ka soconayo Muqdisho
Qaban qaabada munaasabada caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soconeyso magaalada Muqdisho.
Gudiyo ay soo kala magacaabeen madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya iyo madaxweynihi hore ee Dowlada FKMG Soomaaliya ayaa ka shaqeynayo maanta habeynta xaflada.
Munaasabada oo ay ka dhici doonta xarunta madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qeybgali doona madax iyo diblamaasiyiin ka kala socda dalalka gobolka, qaarada iyo caalamka, sidoo kale waxaa imaan doona wakiilo ka kala socda Midowga Africa, Jaamacada Carabta, IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Madaxweyne Shariif ayaa xilka si buuxda ugu wareejin doona madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud kadib marki ay baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha afarta sano ee soo aadan Isniinti lasoo dhaafay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka la caleemo saaro kadib bilaabayo la tashiyada soo magacaabita Ra’isulwasaaraha cusub.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Just who is Sheikh Mohamoud, the new president of Somalia?
GlobalpostMohamud was born into a middle-class neighborhood in Somalia's Hiran province in 1955. He was educated at Somalia National University in engineering, and later went on to earn a graduate degree in India.
Sunday MonitorAccording to the website of the political party he set up last year, the new president has two decades of experience behind him, both in education and in conflict resolution.
Few people if indeed any in the international community that has been backing the political transition in Somalia, guessed Hassan Sheikh Mohamoud, who studied at Somalia’s national university before the civil war started in 1991 and then at Bhopal University in India, would win the top job.
He did stints with the UN children’s agency UNICEF in the first years after the 1991 ouster of Mohamed Siad Barre.
In 2009, he co-authored a report for the UN Development Programme in which he underlined the importance of the huge but politically fragmented Somali diaspora, arguing that it should play a more “systematic” role in peace-building in Somalia.
Unlike many Somali political figures, Hassan Sheikh Mohamoud is not part of the diaspora.
The new president has never served as a minister, nor, up until the past few days, as an MP.
In his party’s manifesto he said he wanted to “build a society free from the demons of clan politics, from fear and from internal conflicts.”
Laura Hammond, a British academic who worked with SIMAD, said Hassan Sheikh Mohamoud had managed to hold talks with the extremist al-Shabaab, who, even after they chased other groups out of the areas they control, allowed SIMAD to remain. Al-Shabaab have since denounced his election. “I think he will be a moderate,” Ms Hammond told AFP on Monday evening, just before the official announcement of his election.
Hassan Sheikh Mohamoud’s party describes him as the architect of Somali civil society.
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaaray.
madaxweyne ku xigeenka Suudaan, Maxamed Cismaan Daaha ayaa soo gaaray Muqdisho iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho si diirran loogu soo dhaweeyay.
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekis Bosdag iyo xubno ka tirsan Dowladda Turkiga oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo diblomaasiyiin oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Hailemariam Desalagn ayaa isna ka mid ah wafuuda soo gaartay, iyadoo ay ku wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Itoobiya.
HOLWararka hoose ee la helayo ayaa waxay sheegayaan in madaxweynayaasha dalalka Suudaan, Uganda iyo Kenya ay iyaguna ka qaybgalayaan munaasabadda, waxaana sidoo kale Muqdisho ku sugan wufuud heer wasiir ah oo ka socda dalalka Qatar iyo Uganda oo iyaguna munaasabadda ka qayb-galaya.
Ciidamada bambeyda ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kuwaasoo garaacaya muusiga calamada dalalka soo gaaraya Muqdisho ee ka caleemo-saarka ka qaybgalaya, iyadoo la adkeeyay ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo iyo waddooyinka ku dhow-dhow.
Caleemo-saarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca Muqdisho tan iyo sannadkii 1967-kii markaasoo madaxweynihii la doortay ee xilligaas C/rashiid Cali Sharma'arke uu xilka kala wareegayay madaxweynihii uu doorashada kaga adkaaday Aadan Cabdulle Cismaan.
Wufuudda soo gaaraysa Muqdisho ayaa waxaa weli soo gaarayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxda dowladda, waxaana sidoo kale munaasabadda ka qaybgalaya fannaaniinta Qaranka dalka Jabuuti ee deegaan oo shalay Muqdisho soo gaaray.
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka bilaabatay Hoolka Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiya, halkaasoo ay buux dhaafiyeen Mas'uuliyiin ka socota caalamka iyo marti sharaf.
Munaasabadan oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn, Madaxweyne kuxigeenka Sudan, Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga, Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Jean Ping, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Qadar, Wakiilo ka kala socda dalalka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, jaamacada Carabta iyo dalalka Kenya, Uganda, Koofurta Sudan iyo dalal kale.
Waxaa Munaasabada goob joog ka ah Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegaya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo labadiisa kuxigeen.
Munaasabada oo ay haatan bilowdeen Khudbadaha laga jeedinayo ayaa waxaa si toos looga daawanayaa Telefishinada Afka Soomaaliga ku hadla, iyadoo Warbaahinta Caalamiga iyo kuwa gudaha ay goob joog ka yihiin.
Waxaa la filayaa inay Khudbado ka jeediyaan Madaxda ka socda dalalka Gobolka iyo kuwa Caalamka, iyadoo Munaasabadan taariikhiga ah ay ku soo beegan tahay markii si bedel uu ka dhacay Caasimada Muqdisho, oo muddo 42-sano kadib lagu doortay Madaxweyne Soomaaliyed.
Jowhar
Munaasabadan oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn, Madaxweyne kuxigeenka Sudan, Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga, Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Jean Ping, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Qadar, Wakiilo ka kala socda dalalka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, jaamacada Carabta iyo dalalka Kenya, Uganda, Koofurta Sudan iyo dalal kale.
Waxaa Munaasabada goob joog ka ah Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegaya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo labadiisa kuxigeen.
Munaasabada oo ay haatan bilowdeen Khudbadaha laga jeedinayo ayaa waxaa si toos looga daawanayaa Telefishinada Afka Soomaaliga ku hadla, iyadoo Warbaahinta Caalamiga iyo kuwa gudaha ay goob joog ka yihiin.
Waxaa la filayaa inay Khudbado ka jeediyaan Madaxda ka socda dalalka Gobolka iyo kuwa Caalamka, iyadoo Munaasabadan taariikhiga ah ay ku soo beegan tahay markii si bedel uu ka dhacay Caasimada Muqdisho, oo muddo 42-sano kadib lagu doortay Madaxweyne Soomaaliyed.
Jowhar
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Abwaaniin iyo Fanaaniin reer Jabuuti uu hogaaminayay Abwaan Sangub oo Muqdisho soo gaaray
Waxaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Abwaaniin uu hogaaminayay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub oo ay wehliyaan Fanaaniin reer Jabuuti oo ka socda Kooxda Hobolada qaranka ee Deegaan.
Abwaan Sangub oo saxaafada la hadlay markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muuqaal ka duwan kii ay ku maqli jireen magaalada Muqdisho ay arkeen, isagoo bogaadiyay horumarka iyo is bedelka ka jira Caasimada.
"Anaga sidii naloo sheegayay oo aan aheyn sidii aan fileynay ayaan aragnay, waxaa ku soo noqday sidii aan ogaa si ka duwan, anaga madax ayaa na watada, waxaan u nimid inaan ka qeyb qaadano Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud"ayuu yiri Abwaan Sangub.
Mar uu ka hadlay aragtigiisa magaalada Muqdisho ayuu sheegay in magaalada uu yimid xilligii dowladdii C/qaasim, isla markaana aanay xilligaas aheyn mid dhisan, balse maanta ay tahay magaalada mid dhisan.
"Waxaa nala socda Kooxda deegaan, waxaa kooxda ay kaga duwan tahay sidii hore iyagoo yar yar oo halkanka bilaabeen, maanatana qaarkood ay ciro leeyihiin ayaa xamar jooga"ayuu sii raaciyay hadalkiisa Abwaan Sangub.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Kooxda Hobolada reer Jabuuti ee deegaan Abwaan Maxamed Xasan Nigil ayaa tix gabay ku cabiray imaanshahooda Muqdisho, isagoo is weydiiyay Ma runbaa ma riyaa inaan Xamar joogno, kooxdii deegaan Xamar oo nabad ah ku timid.
Maanta ayaa la filayaa in wafuud caalami iyo marti sharaf ay ka qeyb galaan Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad ka jeediyay munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isagoona ku wareejiyay hadiyado.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn salaamay mas’uuliyiinta ka socotay beesha caalamka Madaxweynaha dalka, Mudaneyaasha baarlamanka iyo dhamaan ka qeyb galashaasha munaasabadda caleemasaarka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay ka qeyb galayaasha munaasabada waxa uunta tilaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah maadaama laga baxay KMG loona gudbay dowlad dhamestiran.
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sugida amaanka dalka lana shaqeeyaan ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Qabyo Qoraalka Dastuurka, Calanka Soomaaliya iyo waxyaabo kale, markii uu Sheekh Shariif ku wareejiyay Hidiyadaha Madaxweynaha cusub ayaa waxa ay Kooxda Baanbeyda ay Garaaceen Asaataanta Calanka waxaana dadkii ka qeyb galay ay qaadeen Heesta “Soomaaliyeey Tooso”.
- Transformer
- SomaliNetizen
- Posts: 704
- Joined: Sat Feb 17, 2007 1:11 am
- Location: Lost in Mars since 1969...
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Now that he is out the Aala Shiikh stench in Viilla Somalia needs to be bleach out seven times... meesha eeya saxaan jiraay. sii ficaan haa loo dhaqo.

- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Orodoo dabadaada biyo kulul iskaga dhaq si ay bacteria da u dhimato. GTFO

- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Official thread of Caleemo saarka Madexweynaha Jamhuuriy
Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kadib Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo ka dhacday Xarunta School Polizio.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socotay caalamka oo ay ugu horeeyeen Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn, Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bosdag, iyo wakiil ka kala socday dalalka jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Waxaa uu soo hadal qaaday geeridii Ra'iisul Wasaarihii hore Meles Zenawi inuu jeclaan lahaa in maanta uu goob joog ka noqday, isagoo xusay in maalin ka hor inta uusan u ambabixin caafimaad dibada ah ay is arkeen Madaxweynihii hore Shariif, ayna ka wada hadleen sidii nabada looga shaqeyn lahaa.
Khudbadaha ay jeediyeen Mas'uuliyiinta ka socotay caalamka ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin loogu muujinayay Madaxweynihii hore oo sida dimoqraadiyada aheyd uu u aqbalay doorashada Madaxweynaha markii laga guuleystay.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Madaxweynaha cusub, isagoo ugu baaqay in howlaha adag ee hor-yaala uu ka samata bixiyo dhibaatada shacabka Soomaaliyed.
Khudbadii u dambeysay oo uu jeediyay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayuu uga hadlay dhinacyo badan oo ay ugu horeysay ammaanka oo uu xusay inuu diirada saari doono, isagoo ku cel celiyay in ammaanka iyo xasilinta ay muhiimadiisa 1, 2 iyo 3aad ay tahay.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Beesha caalamka inay gashadaan ookiyaal ka duwan kuwii markii hore ay u gashan jireen Soomaaliya, isla markaana kaalmooyinkii ay siin jireen ay noqdaan kuwo si toos u soo gaara oo aanay cidna u dhaxeyn, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay bog cusub u furantay, isla markaana ay aaday horumar iyo barwaaqo.

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Hailemarima Desalagn ayaa sheegay in maanta oo kale ay sugayaan, isla markaana ay tahay maalin taariikhi ah, isagoo u cadeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inay sii wadi doonaan xiriirka iyo taageerada Itoobiya.Khudbad aad u qiimo badneyn oo uu jeediyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ka hor inta uusan xilka ku wareejin ayaa sheegay in Soomaaliya ay bilow fiican joogto, isla markaana ay dhameystir u baahan tahay, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyed iyo dhamaan mas'uuliyiinta inay bar bar-istaagaan Madaxweynaha cusub.
Madaxweynihii hore Shariif ayaa sheegay inuu hadii uu guuleysan lahaa xataa uu ka jeclaa in laga guuleysto, si umada Soomaaliyed ugu muujiyo hadafkiisa hadii laga guuleysto, isagoo xusay in aanay waxba is bedelin doonin oo aan laga fikirin Mustaqbalka waxa dhici doona.
Waxaa uu soo hadal qaaday geeridii Ra'iisul Wasaarihii hore Meles Zenawi inuu jeclaan lahaa in maanta uu goob joog ka noqday, isagoo xusay in maalin ka hor inta uusan u ambabixin caafimaad dibada ah ay is arkeen Madaxweynihii hore Shariif, ayna ka wada hadleen sidii nabada looga shaqeyn lahaa.
Khudbadaha ay jeediyeen Mas'uuliyiinta ka socotay caalamka ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin loogu muujinayay Madaxweynihii hore oo sida dimoqraadiyada aheyd uu u aqbalay doorashada Madaxweynaha markii laga guuleystay.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Madaxweynaha cusub, isagoo ugu baaqay in howlaha adag ee hor-yaala uu ka samata bixiyo dhibaatada shacabka Soomaaliyed.
Khudbadii u dambeysay oo uu jeediyay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayuu uga hadlay dhinacyo badan oo ay ugu horeysay ammaanka oo uu xusay inuu diirada saari doono, isagoo ku cel celiyay in ammaanka iyo xasilinta ay muhiimadiisa 1, 2 iyo 3aad ay tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhawaajiyay in dowladda uu dhisi doono ay diirada saari doono lix qodob oo aas aas u ah dowladnimada, isagoo ka xusay Xasilinta dalka, dib u dhiska, dhaqaalaha dalka, garsoor madax banaan iyo adkeynta Midnimada.
Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ay abuuri doonaan ay noqon doonaan sidii dib loogu dhisi lahaa dhaqaalaha qoyska, isla markaana qoys walba la ogaado, inta habeenkii saxanka u saaran, taasoo uu xusay inay saldhig u tahay dhaqaalaha guud ee dalka, isla markaana dhalinyarada ay shaqooyin iyo xirado ay ku shaqeystaan u abuuri doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tibaaxay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u istaagi lahaayeen in dadka Soomaaliyed uga heshiin lahaayene wixii horay dhex maray, waxaana uu carabka ku dhajiyay inay ka hortagi doonaan kala qeybinta umada Soomaaliyed."Hadafkeena koowaad waa xasilinta dalka, waxaa xigi doona dhismaha garsoor madax banaan oo wax tar ah, waxaa uu horseedi doonaa hab cadaaladeed oo shacabka ay raali ka yihiin, howsha labaad waa soo nooleynta dhaqaalaha dalka"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mar uu soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland ee ay bilaabeen hogaankii ka horeeyay ayuu cadeeyay in halkeeda ka sii wadi doonaan, isla markaana aanay marna ka shaqeyn doonin midnimo ku timaada xoog ama jajuub sida uu yiri."Waxaa ka shaqeyn doonnaa sidii ay culummada iyo waxgaradka Soomaaliyeed oo sita calanka nabadda oo bulsho kasta oo wax sheeganaysa ay ugu baaqi lahaayeen nabadda"ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Beesha caalamka inay gashadaan ookiyaal ka duwan kuwii markii hore ay u gashan jireen Soomaaliya, isla markaana kaalmooyinkii ay siin jireen ay noqdaan kuwo si toos u soo gaara oo aanay cidna u dhaxeyn, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay bog cusub u furantay, isla markaana ay aaday horumar iyo barwaaqo.
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 670 Views
-
Last post by HorseedS
-
- 5 Replies
- 809 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 10 Replies
- 1047 Views
-
Last post by Kafkaesque
-
- 48 Replies
- 2724 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 516 Replies
- 207106 Views
-
Last post by YummyMummy
-
- 12 Replies
- 26034 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 116 Replies
- 166618 Views
-
Last post by Geeljire252
-
- 81 Replies
- 76248 Views
-
Last post by eternauta
-
- 416 Replies
- 111275 Views
-
Last post by qoraxeey