Cabdiraxmaan Ciiro oo loo heshiiyey

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Cabdiraxmaan Ciiro oo loo heshiiyey

Post by Khalid Ali »

Xisbiga UCID iyo Afar Urur-siyaasadeed oo Go’aan ka gaadhay labada xil ee C/Raxmaan Cirro
September 20th, 2012 Comments Off
Image
Hargeysa (Somaliland.Org)-Afar Urur siyaasadeed iyo Xisbiga UCID, ayaa maanta shir albaabaddu u xidhan yahay oo ay ka yeesheen inay qaraar ka soo saaraan mawduuca la xidhiidha sharciyada labada xil ee Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo todobaadyadii u dambeeyay xisbiga UCID daba ka riixayay sidii Guddoomiyaha wakiiladdu labadiisa xil mid uga tanaasuli lahaa.

Shirkan oo ku qabsoomay xarunta Ururka XAQSOOR ee magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Urur-siyaasadeedyadda kala ah XAQSOOR,UMMADDA, RAYS, WADANI iyo xisbiga UCID. waxaana shirkan oo uu martigeliyay Guddoomiyaha Ururka XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac.

Waxa kale oo xubnihii ka qeyb galay ka mid ahaa Guddoomiyaha Ururka RAYS Md. Xasan Gaafaadhi, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed iyo lix sarkaal oo kale oo ka tirsan ururkaasi. Halka xisbiga UCID uu ka socday Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ururka UMMADDA waxa shirkaasi uga soo qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka labaad.

Siday ilo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen waxa Masuuliyiintani ay dood dheer ka yeesheen waxa sharcigu ka qabo labada xil ee Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha urur siyaasadeedka WADDANI. Waxaana shirkaasi la isla qaatay in aan wax sharci ah oo u diidaya inuu labadaasi xil isku hayaa jirin, sidaasi darteedna cidii muduci ku ahi ay dacwad geysato maxkamada sare ee dalka.

Waxa kale oo qodobadii la isku raacay ka mid ahaa inaan wakhti la iskaga lumin arrintaasi oo ay tilmaameen in mawduuc xasaasi ah laga dhigay. Xisbiga UCID ayaa ku fashilmay inay ururadda kale taageero uga helaan in la diido labada mansab ee uu isku hayo Guddoomiyaha Wakiiladdu.

Somaliland.Org/Hargeysa
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Cabdiraxmaan Ciiro oo loo heshiiyey

Post by Khalid Ali »

Mudane Abdiraxmaan Ciiro Gudooomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland the speaker of Somaliland parliament and the chairman of the wadani party apparantly faisal cali waraabe is still pissed with him and wants him to lose one of his jobs. The speaker of parliament position since He is wadanis chairman and speaker of parliament. Faisal gathered all the other political organizations to condemn ciiro Holding two positioning at the same time.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Cabdiraxmaan Ciiro oo loo heshiiyey

Post by Rightwing »

Lately I was thinking about this guy!! Cirro is suffering from power addiction, just like laurent gbagbo. Haduu madaxweyne noqdo yaa inga dejindoona :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”