Waxaa shalay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ka soo baxay wafdi u hogaaminayo Col Barre Adan Shire Barre Hiraale waxaana ay ku wajahan yihiin Magaalada Muqdisho ee Casimada Wadanka Somalia.
Kornelka iyo wadiga uu hogaaminayo ayaa waxaay transit ku yihiin Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayagi markaasi uga sii gudbaya Magaalada Muqdisho.
Ujeedada Safarka Masuulkan ayaa waxaa lagu shegay in uu u socdo Wadatashiyo uu la yeelan doono Madaxda Cusub ee Somalia.
Ilo ku dhow dhow Wafdiga Barre Hiiraale ayaa waxaa warbahinta uu shegen in Barre uu Kulan qaas ah la yeelan doono Madaxweyne Xasan Sheikh ayago ka wada hadli doono Arimo ku sabsan Jubboyinka iyo Gedo.
Sido kale Wafdiga Barre Hiiraale ayaa waxaay Madaxweynaha Cusub kala hadli doonan Cida ku haboon qabashada R/wasaraha Somalia ee dhawaan la filayo in la soo magacaabo.
Col:Barre Hiiraale ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ugu danbeysay Xiligi uu ahaa Wasiirka Gaashandhiga Somalia markaas oo ay si weyn isku qabteen Madaxweynihi hore alaha u naxariste Cabdilahi Yusuf Axmed oo asagu damcay in Col Barre u adeegsado Xasuuqa Shacabka Muqdisho balse uu barre ka diiday deedna xilki laga qaday islamarkaasna lo warejiyay Magaalada baydhabo oo markaasi ahayd Xarunta labaad ee Dowladi Cabdilahi Yusuf
Barre ayaa waxaa manta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sugaya dadweyne badan oo reer Muqdisho ah kuwaas oo xasuusan abaalki uu u galay Xiligi Muqdisho uu ka socday Xasuuqa Shacabka.
Col. Barre Hiiraale on his way to Xamar to meet President
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Col. Barre Hiiraale on his way to Xamar to meet Presiden
Muqdisho(Allssc): Waxaa shalay galinkii danbe Soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya Col Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ka tirsan Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee dagaalada Qaraar kula Jira Kooxda Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya.Col: Barre Hiiraale Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho
Barre Hiiraale ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaardaha ee magaalada Muqdisho Qaar kamid ah Siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.
Col Bare Hiiraale oo la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in safarkiisa Magaalada Muqdisho uu ku saabsanyahay sidii uu Madaxda Cusub ee DFS ogala hadli lahaa Isbadalka ka soconaya Gobolada Jubooyinka Wuxuuna xusay sidoo kale inuu gaari doono Xajka hadii alle idmo isla markaana uu dib ugu laaban doono Deegaanadii uu markii hore ka yimid.
Barre Hiiraale ayaa la filayaa inuu Muqdisho ku sugnaan Doono Maalmaha fooda nagu soo hayo, waxaana uu sheegay in uu kulamo sidoo kale la qaadan doono Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya.
Barre Hiiraale oo ka hadlayay Dagaalada ka soconaya Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay inay guul ka gaareen isla markaana ay haatan ku dhow yihiin Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay Dagaalada ay Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Ahlusunna Wal-jamaaca ka wadaan Gobolka Gedo ee Koonfurta Wadanka Soomaliya, wuxuuna Tibaaxay inay maalmaha soo socda dhamaystiri doonaan Deegaanada yar yar ee Haraadiga Malayshiyaadka Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka.
Sikastaba Hadalkani kasoo yeeray Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa imaanaya xili Magaalada Kismaayo deegaano u dhow dhow ay dagaalo qaraari ku dhex marayaan Al-shabaab iyo Dowlada Soomaliya Kenya Raaskambooni.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2598
- Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
- Location: Kr
Re: Col. Barre Hiiraale on his way to Xamar to meet Presiden
Lobbying Ra'isal wasaaraha cusub miyaa 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
- FarhanYare
- SomaliNet Super
- Posts: 19029
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
Re: Col. Barre Hiiraale on his way to Xamar to meet Presiden
i was like
sareedo is back, and then saw the date she posted the comment 


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 49 Replies
- 316 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 49 Replies
- 3631 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 1 Replies
- 417 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 45 Replies
- 2856 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by Nomand
-
- 9 Replies
- 725 Views
-
Last post by Padishah
-
- 21 Replies
- 1808 Views
-
Last post by The_Patriot