Bishii Febraayo ee horaantii sanadkan ayaa Ingiriisku isugu geeyay magaalada London in ka badan 50 dawladood iyo ururo Caalami ah kuwaas oo dhamaantood ka tashanayay taageero siinta maamulka reer galbeedka kaga wakiilka ah Soomaaliya iyo la dagaalanka maamulka Mujaahidiinta.
Ka dib shirar kala duwan oo ka kala dhacay qaar ka mid ah wadamada Iskandaneviyanka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabka iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya ayaa la soo allifay mashruuc ah "Xisbi siyaasadeed" qaadanaya magaca Xisbigii Jihaadiga ahaa ee la midoobay Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ee la oran jiray jiray "Xisbul Islaami".
Sida aan Xogta ku heleyno waxaa lagu wadaa inuu shir jaraa’id qaban doono nin lagu magacaabo “Maxammed Macalim” oo mar ka tirsanaan jiray ururkii Xizbul Islaam ka hor midnimadii, balse ka tegay Xizbiga isagoo u baqoolay dalka Kenya, halkaas oo uu ka dagay magaalada Nairobi.
Waxaa muuqaneysa in Maxammed Macalin isaga oo kaligiis ah ay reer gabeedku usoo xilsaarteen arrimo ay ka mid yihiin ku dhawaaqista xisbi siyaasi ah oo sheeganaya magaca "Xisbul Islaami" sidoo kalena sheeganaya inuu yahay Xisbigii midnimada galay oo dib kaga laabtay.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaya go'aanada Xisbigan siyaasadeed ee ugu horeeya iney ka mid noqon doonaan u diyaar garowga wadahadal ay la furaan maamulka DF, sidoo kalena aaney manhaj iyo siyaasadba ku waafaqsaneyn Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee siyaasaddeedu tahay raadinta hirgelinta Shareecada Islaamka iyo la jihaatanka cadowga soo duulay iyo kuwa la safan.
Waxaa loo badinayaa in Maxammed Macalin aaney cid kale ku wehlin xisbigiisa cusub ee farsamo reer galbeedka ah, arrinkase xiisaha leh wuxu yahay warka sheegaya iney suuragal tahay in Yuusuf Indha-Cadde oo mar Jihaad sheegan jiray, marna DKMG sheegan jiray, horena hogaamiye kooxeed u ahaa inuu buuxiyo garabka Max'ed Macallin.
Warar kale ayaa sheegaya in Maxammed Macallin barnaamijkiisan ay la wadaagaan rag Soomaali Qurba-joog ah oo ku nool wadamada Yurub iyo Maraykanka, kuwaas oo qaab dallaalnimo ah booska ugu jiray, lagana yaabo iney yihiin dadka gadaal ka riixay mashruucan cusub.
Inkastoo aaney aheyn markii ugu horeysay ee la dhisayo urur siyaasadeed la hadlaya DF oo ay ka muuqanayaan shaqsiyaad Jihaadka ku lug lahaan jiray hadane waxaa cusub magaca la adeegsan doono, balse su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah Max'ed Macallin halkee buu saxaafadda kula hadli doonaa?

