Maxaa Midnimo u diidey Muslimiinta ?

Su'aalo, Jawaabo, iwm

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

Dalmar1985
Posts: 50
Joined: Mon Apr 23, 2012 3:44 pm

Maxaa Midnimo u diidey Muslimiinta ?

Post by Dalmar1985 »

Ilaahey wuxuu yiri " Qabsada xarigeyga (ISlaamka)dhamaantiin hana kala tagina"
Dhibaatada dheeraatey ee Muslimiinta heysta waa kala jabka, sidaanu la socono kala jabnaashah Muslimiinta mar dhow ma bilaaban waana soo jireen, waxaa qof walboo Muslim ah waajib ku ah siduu uga shaqeyn lahaa midnimada.

Marka khilaafka bato kooxda ilaahey badbaadinaaya waa kooxda heysata Kitaabka ilaahey iyo Sunnadii Nabi Muxammad (Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee).

Nabi Muxammad waxaa laga wariyey inuu yiri "Ummadeeyda kuma heshiiso lumista" Waxaa sidoo kale Ibn-Cumar uu soo wariyey (Ilaahey labadoodaba ha ka raali noqdee) inuu Nabi Muxammad yiri: "Ilaahey kuma mideeyo ummadaan ineey lumaan abidkeed, Ilaahey wuxuu la jiraa meesha jamaacadu ay jirto ee raaca meesha dadka Muslimiinta ay u bataan"

Waxey ila tahy jidka kaliya ee aan uga bixi karno dhibaatada na heysataa waa inaan Kitaabka ilaahey ku dhaqanaa iyo Sunnada nabigiisa aana ku dadaalnaa sidaan Muslimiita meesheey u bataan raacno...

Wabilaahi El-Tawfiiq
User avatar
Alshabaibe
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1185
Joined: Wed Apr 25, 2012 7:27 pm

Re: Maxaa Midnimo u diidey Muslimiinta ?

Post by Alshabaibe »

Dalmar1985 wrote: Waxey ila tahy jidka kaliya ee aan uga bixi karno dhibaatada na heysataa waa inaan Kitaabka ilaahey ku dhaqanaa iyo Sunnada nabigiisa aana ku dadaalnaa
:up:

Kheyr Ilahay hakaasiyo inshallah. amin
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - General Discussions”