Xogg- Dowladda Itoobiya oo wadda Qorshe ay Madaxwaynaha Kililka Kaga Takhalusto.
26 September 2012.
Arbaco (Ogadentoday Press)- Warar aan ka helnay Magaaladda Addis Ababa ayaa sheegaya In Dr Axmed Sheekh oo ahaa Wasiirkii Hore ee Cilmi Baadhista Maamulka Kililka oo Dalka Kenya in muddo ah joogay ay Dowladda Dhexe oogu yeertay inuu ku soo laabta Dalka.
Dr Axmed Sheekh ayaa isagu ay isku dhaceen Madaxwaynaha Maamulka Kililka Cabdi Maxamud Cumar oo in baddan lagu eedeyay inuu Ciidamadda Liyuu Police u samaystay inuu oogu Hanjabo Madaxda is qabtaan.
Meesha Dhanka Kalle Ciidamaddan xasuuq xooggan ka gaysteen Ogaadeeniya.
Dr Axmed Sheekh ayaa isagu ka cabsaday inay dilaan Ciidamadda Liyuu Police isla markaasna u cararay Dhanka Dalka Kenya.
Dowladda Dhexe gaar ahaan Raysul Wasaaraha Cusub ayaa isagu dalbaday inuu Dr Axmed Sheekh ku soo laabto Dalka gaar ahaan Magaaladda Addiss Ababa.
Warkan ayaa soo baxaya kaddib Markii kullan uu dhexmaray maalmihii la soo dhaafay, Daud Maxamed Cali , Cabdi Fataax Sheekh oo labadda ah Wasiiro ka tirsan Dowladda Dhexe Iyo Raysul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya.
Tallaabaddan noocan ah ayaa u muuqataa mid Hanaanka Siyaasadeed ee Maamulka Kililku uu is baddal ku soo socdo.
Warar aanan wali xaqiijin ayaa sheegaya in Dowladda Dhexe bilowday inay diyaariyaan Baddalkii Cabdi Maxamud Cumar isla markaasna Wafti ka socda Dowladda Dhexe ay booqanayaan Magaaladda Addiss Ababa, Ma laga yaabaa Dr Axmed Sheekh in loo waddo Madaxwaynaha Maamulka Kililka?
Ogadentoday Press.
Xogg- Dowladda Itoobiya oo wadda Qorshe ay Madaxwaynaha Kili
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1018 Views
-
Last post by Django
-
- 5 Replies
- 649 Views
-
Last post by smooth
-
- 0 Replies
- 370 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 12 Replies
- 712 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 3 Replies
- 385 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 156 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 9 Replies
- 846 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 6 Replies
- 94 Views
-
Last post by tightrope
-
- 0 Replies
- 250 Views
-
Last post by Bicir100
-
- 5 Replies
- 670 Views
-
Last post by TheblueNwhite
