Gudomiyaha Absame killed in Kismayo
Posted: Sat Sep 29, 2012 1:02 pm
Awrmale taking revenge
DEG DEG: Gudoomiyihii Beesha Absame ee Gobolada Jubbooyinka oo lagu toogtay Magaalada Kismaayo
Allaha u naxariistee waxaa fiidnimada caawa Magaalada Kismaayo lagu toogtay Gudoomiyihii Beesha Absame ee Gobolada Jubbooyinka Nabadood Jeelle Khaaluud.
Ilaa seddex nin oo bistoolado ku hubeysneyd ayaa waxay Nabadoon Jeelle Khaaluud ay ku toogteen Xaafadda Farjano, gaar ahaan dhinaca Aargada, isla-markaana lama yaqaano ujeedadii ka dambeysay inay toogtaan.
Nabadoon Jeelle Khaaluud oo ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn leh looga yaqaano Magaalada Kismaayo, ayaan la-ogeyn sababtii ka dambeysay inay toogtaan rag ka tirsan Al Shabaab.
Ragga dilka geystay ayaa waxay isaga taggeen Xaafadda Farjano iyadoo aysan jirin cid eegeysa, taasoo sabab looga dhigay inaysan weli gudaha Magaalada Kismaayo u soo gelin Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.
Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in iyadoo uu weli uu Nabadoonka uu meydkiisa uu yaallo goobtii lagu dilay, cidii ka qaadana ay madaxa ka tooganayaan Xoogaga Shabaab ee weli ku harsan Magaalada Kismaayo.
Nin shaqaale ahaa oo ka hawl-geli jiray Suuqa Cooska ee Xaafadda Shaqaalaha oo galabta la-toogtay, ayaa wuxuu dilkiisa uu ka dambeeyay markii goor sii horeysay uu ka mid ahaa rag goobtaasi ka qaaday, meydka nin nabadoon ahaa oo ay dileen dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa iyadu tooganeysa ragga qaada meydadka ragga ay horey u dishay, taasoo keentay in shakhsi walba uu baqdin ka muujiyo in la-dilo, haddii markaasi uu qeyb ka noqdo dadka meydadka qaadaaya.
Tan iyo markii ay Xoogaga Shabaab isaga baxeyn Magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu dilay ilaa afar ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Nabadoono, halka labada kalana ay yihiin niman dhalinyaro ah.