Angry Kenyan Mob Attack Islii
Posted: Sun Sep 30, 2012 7:17 am
Xaalada Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa kacsan, kadib qarax bambaano oo saaka barqadii lagu weeraray Kaniisad caruurta lagu baro Buuga loo yaqaano Bible, halkaasoo hal caruur ah uu ku dhintay 10-kalena ku dhaawacmeen.
Sida ay sheegayaan wararka dad careysan ayaa dhagxaan ku weeraray goobaha ganacsiga Islii oo Soomaali badan ku ganacsato, iyadoo albaabada loo laabay inta badan mehradihii ku yaalay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay haatan ku sugan yihiin halka qaraxa ka dhacay, isla markaana xaafada Islii qeybo badan ay isku gedaameen.
Labo Wariye iyo Cameraman oo u shaqeynayay telefishinka Horn Cable oo sawiro ka qaadanayay Kaniisada qaraxa ka dhacay ayaa la xiray, inkastoo Booliska ay sheegeen in la sii deyn doono.
Qaraxa lagu weeraray Kaniisada ku taal Xaafada Islii ayaa saameyn ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan xaafadaas, iyadoo ay jirto cabsi ku aadan howl galo lagu raafo Soomaalida.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Charles Owino ayaa sheegay in dhaawacyada ay ka dhasheen markii ay is buurteen, waxaana la sheegay in saddex caruur dhaawacooda uu aad u liito.
Maalinta Axada ayaa waxaa Kaniisadaha ku yaal dalka Kenya waxaa buux dhaafiyay dadka Kirishtaanka ah, si ay uga soo cibaadeystaan.