Turkish group attacked travelling from Garowe to Gaalkaayo
Posted: Tue Oct 02, 2012 3:31 pm
Puntland government officials were part of the Turkish delegation that had travelled from Garowe to Gaalkaayo.
Wasiiro Iyo Wefdi Ka Socdey Dalka Turkiga Oo Jidgooyo Gaalkacyo Ku Dhaw Rasaas Lagula Beegtey [Dhagayso]
Muxyadiin Axmed Muuse
Taliye ku xigeenka boliska Puntland G/sare Muxyadiin Axmed Muse ayaa ka warbixiyay hawlgal ciidamada amaanka gobolka Mudug ay maanta ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Bacaadweyn.
Taliyaha ayaa sheegay in ay dagaal xoogan ay la galeen kooxo hubaysan oo jidka u galay kolonyo ay la socdeen wasiiro ka tirsan puntland iyo wafdi sare oo ka socday dalka Turkiga oo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo.
G/sare Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in mid ka mid ah wafdigii Turkiga uu dhaawac sahlan soo gaaray iyo askari ka tirsan ciidanka halka kooxii la dagaalamayna ay ka dhinten hal qof mid kalena uu dhaawac culus soo gaaray.
Dhagayso Codka Taliye Muxiyadi
Sideed ka mid ah kooxii dagaalka soo qaaday ayaa la soo qabtay sida uu sheegay taliye muxiyadiin waxaana ragaas haatan lagu wadaa baaritaan ku aadan halka ay ka yimaaden iyo cida ay sida rasmiga ah uga amar qaadanayen.
Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuasuf Jaamac (Tigey) ayaa ka tacsiyeeyay dhaawaca soo gaaray agaasimaha Hay’ada Turkiga u qaabilsan horumarinta ee Tikka Mustafa Hashmi Pulat oo dhawaanahan ku sugnaa magaalooyinka Bosaso iyo Garowe.
Dhagayso Codka gudoomiyaha G. Mudug
Gudoomiye Tigey ayaa u digay dadka dhibaatada ka wada gobolka Mudug isla markaana kala diriraya horumarka gobolka isagoo sheegay in dadkaas lagu raad joogo maamulkuna ay dhawaan gacanta ku soo dhigi doonaan cid kasta oo qalqal ku haysa amniga gobolka Mudug.
Ugu danbaytii duqa degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa isna goobta ka sheegay in aan loo dulqadan doonin meleeshiyaadka jidooyooyinka dhigta inta u dhaxaysa magaalooyinka burtinle iyo Gaalkacyo ,waxaana uu sheegay in tilabo laga qaadi doono sida ugu dhaqsiyaha badan .
Horseed Media