Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Ciidanka Kenya Oo Xasuuq Ka
Posted: Thu Oct 04, 2012 1:48 pm
Ciidamada huwanta ah ee dhawaan qabsaday magaalada Kismaayo ayaa ka dhabeeyay goodis uu horay u jeediyay dagaal Ooge Axmed Madoobe oo kamid ah murtadiinta Somaalida ee Kenya kusoo hogaamiyay Kismaayo.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo laga raafay boqolaal shacab ah oo loo heysto in ay taageersanyihiin mujaahidiinta Somaaliya ayna diidanyihiin ciidanka huwanta ah ee magaalada qabsaday.
Dadka la xiray waxaa kamid ah haween Muxajabaad ah ganacsato iyo dhalinyaro farabadan oo badankood lagasoo qabtay xaafadaha Guul-wade iyo xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen ciidamo Somaali iyo Kenyan ah oo gaadiid ku guraya shacabka.
Ilo wareedyo laga helay Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Kenya la socda ay qaab beeleed u kala degeen saldhigyo magaalada ku yaal Axmed Madoobe ayaa lafilayaa in uu ku dhawaaqo ninka taliyaha ciidanka Kismaayo naqanaya.
Saraakiisha ciidanka Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa Axmed Madoobe u fasaxay in uu shaqo ka qabto shacabka magaalada taasi oo macnaheedu yahay in Kenya iyo Axmed Madoobe iska kaashanayaan xasuuqa reer Kismaayo oo loo heysto maxaad u ogolaateen in sharciga Islaamka laydinku maamulo?.
Iyadoo ay qabqabashada shacabka sii socoto ayay barbar socdaan dilal qorshaysan oo ka dhan ah dhalinyarada magaalada illaa iyo Sedax qof oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Kismaayo lagu dilay saaka aroortii magaaladan oo muddo ka badan shan sanadood aheyd meel amaan ah ayaa hadda naqatay magaalo marti gelinaysa dhibaato dhan walba ah.
Sabtidii lasoo dhaafay ayaa Kismaayo laga saaray maamulkii islaamiga Mujaahidiinta iyo shaqaalaha rayidka muslimiinta waxaana la iclaamiyay in weji cusub uu galay dagaalka magaalada Kismaayo.