hadaba dadka kudhaqan magaalada buuhoodle oo mar walba utaagan midnimada somaliya ayaa sidii horayba loogu yaqaanay muujiyey taageeranimadii ay uhayeen dawladooda somaliya iyo maamulka cusub ee hanaqaaday markii saacadu ahayd 7:00 subaxnimo ayaa waxa ay isugu soobaxeen garoonka weyn ee kubada cagta xabado stadiom
iyaga oo markii danbana raxan raxan usoomareen wadooyinka waa weyn ee magaalada buuhoodle
waxaana madashaas kasoo qayb galay madaxda maamulka khaatumo state cuqaal ururada dhalinyarada arday iyo dhamaanba bulshada qaybaheeda kalagadisan
waxaana ugu horayn hadalka qaatay caaqil maxamed maxamuud nuux “sanweyne” oo kunuux nuuxsaday inay hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin raysal wasaraha cusub ee lasoo magacaabay
sidoo kale waxaa halkaas kahadlay maayarka dagmada buuhoodle C/casiis ducaale Qanbi oo isna sheegay inay aad ugu ku farxsanyihii maga cabista uu madaxweynuhu soomagacaabay cabdifaarax shirdoon iyada oo ayhalsaasna kahadleen qaarkamida ururada haweenka iyo kuwadhalinyarada G/cayn
iskusoo wadaduuboo Banaan baxaas ayaa waxa uu kusoodhamaaday jawi aad uwanaagsan





