Oct,13,2012 www.Hobyoradio.com
Waftiga uu hogaaminayo M/weynaha Galmudug oo kormeer kusameeyay goboladda Mudug iyo Hobyo
Wafti balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Gen. Cabdi Qaybdiid ayaa kormeeray degmooyinka kamid ah gobolka Mudug iyo gobolka Hobyo, Waftiga ayaa waxaa kamid ah wafuud Maraykan iyo Fransiis ah oo ayagu u yimid inay indha indheeyaan nolasha dadka iyo baahida kajirta deegaanadda Galmudug, Waxaa hogaaminaya wasiirkii hore ee ganacsiga Franca Mr. Acian Madline.
Waftigan ayaa waxa ay casumaad ka heleen M/weynaha Galmudug Gen. Cabdi Qaybdiid ayagoo si gaara ugu kuurgalay sidii ay war sugan oga heli lahaayeen Galmudug islamarkaana looga hormarin lahaa dhanka mashaariicda iyo arimaha bulshadda, waxaana kamid ah meelaha ay sida gaarka ah u danaynayeen Gawaan Valley iyo magaladda xeebta ee Hobyo.
Masuuliyiintan oo qaabilsan dhanka horumarinta dalalka soo koraya ee caalamka ayaa waxa ay booqdeen dukaamadda raashinka, dharka, daawada ayagoo sidoo kale booqday Toga Gawaan Valley ee uu wabigu biyaha kaga daro badweynta Hindia, Masuliyiintan ayaa waxa ay ugu dambayntii gaareen magaladda xeebta ah ee Hobyo oo ay booqdeen dhismayaasha taariikhiga iyo xarumaha maamulka Galmudug oo dayactir kusocdo.
Sikastaba ha ahaatee deegaanadda Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ku qul qulayay hay’ado kala duwan oo ayagu wax ka qabta arimaha Nabadgalyadda, bulshadda, macaluusha iyo Horumarinta, hay’adahaas ayaa waxaa kamid ahaa JOURNALISTAYAAL CADAAN AH, UNHCR,UNOCHO, FAO, MADAXA AMNIGA KOOFURTA IYO BARTAMAHA EE UN iyo HAY”AD EU u qaabilsan arimaha horumarinta dalalka soo koraya.








