Page 1 of 1

Beesha Maxad Case (BMC)

Posted: Mon Oct 15, 2012 2:00 pm
by KingBlack
Oo Shir-weyne Ballaadhan Ku Qabatay Magaaalada Ottawa Ee Dalka Canada.
Beesha Maxad Case (BMC) ayaa ku qabatay magaalada Ottawa, Canada shir balaadhan oo lagaga hadlay danaha guud ee beesha. Shirka oo ay soo qabanqaabiyeen bulsho weynta reer Ottawa ee ururka LEAD Council, ayaa waxa ka soo qayb galay wufuud ka kala timid woqooyiga America (Canada iyo USA). Shirkaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf iskgugu jirata rag, dumar, dhalinyaro iyo waayeel oo halkaa si qurux badan uga muujiyay sharaf iyo midnimo gaar ah oo ay wadaagaan.

Muhiimada shirka ayaa ahayd in diiradda la saaro hawlaha iyo danaha bulshada ee ka taagan Somaliland oo si balaadhan loo falanqeeyay. Bayaanka shirka ka soo baxay oo faahfaahsan ayaa waxa lasoo saari doonaa maalin dhaw.

Xusen Cali Miicaad,
Secretary of L.E.A.D. Council
Toronto, ON – Canada

Re: Beesha Maxad Case (BMC)

Posted: Sat Oct 27, 2012 2:38 pm
by Mondey
Waligaaba Maxamed Casse iskagakay dhig dhig oo marba article soo copy/paste garee waxaad taahay waan ogahay ee waxba ha is daalin.

Re: Beesha Maxad Case (BMC)

Posted: Sat Oct 27, 2012 2:39 pm
by KingBlack
Mondey wrote:Waligaaba Maxamed Casse iskagakay dhig dhig oo marba article soo copy/paste garee waxaad taahay waan ogahay ee waxba ha is daalin.
blame it on Cadceednews :lol: