Saylac November 5 2012

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Saylac November 5 2012

Post by KingBlack »

Beel waynta Maxamed Case ee dalalka Skandanivian, France, Holland, Britain kunool ayaa soo dhaweeyay shirka waxayna sheegeen in ay taageero hiil iyo hooba leh ay ku taageeri doonaan shirka Saylac kadhici doona 5 -ta November 2012

Waxa Guud ahaan dalka iyo dibadaba ka socda qaban qaabada shirwayne balaadhan oo beelaha Maxad Case uga furmi doona 5ta November Magalada taariikhiga ah ee Saylac, kaasi oo socon doona mudo 7 maalmood ah. Shirwaynahan oo noqon doona mid aad u baaladhan ayaa waxa isugu iman doona ergooyin ka badan 500 oo ka kala iman doona dalka, iyo dibadaba.

Maxamuud Yoonis Geedi oo ah gudoomiyaha gudida qaban qaabada ayaa u sheegay xafiika shabakada Lughayanewsee Magaalda London, in shirwaynaha qaban qaabadiisu ay meel wanaagsan marayso isla markaana dhamaan la war galiyay ergooyinka ka soo qayb galaya.

Gudoomiyaha oo Faafafinka Bixiyay Halka ay marayso Qaban Qaabada Shirwaynahayidhi

“Waa mid balaadhan oo dhamaan u adeegaya danaha beelahan oo aymud dheer ugu dambaysay inay shir qabsadaan, waxa ku jira ajedaha in dhaqanka iyo xeerarka dib loogu noqdo oo la cusboonaysiiyo si ay u noqdaan kuwo la jaan qaada dunidan maanta casriga ah, waxa kale oo ku jira in beeluhu wax iska waydiyaan waaqica ay maanta ku sugan yihiin ee dhinacyada siyaasada, degaanka diinta, dhaqanka iyo xidhiidhka ay la leeyihiin beelaa kale ee ay dan iyo dic wadaagta yihiin.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu carab dhabay in shirkan uu noqon doono mid ka soo hor mara doorashooyinka degaanka ee Soomaaliland si ayuu yidhi loo dhaqan galiyo go’aamada ka soo bixi doona ee ku aadan dhinaca doorashooyinka degaanka iyo loolanka siyaasadeed ee dalka, Gudoomiyuhu isga oo sii wata hadalka waxa uu yidhi ” Waxa la isku raacay in lagu qabto saylac sababta oo ah waa magaalo taariikhi ah oo abtirsiin facwayn ku leh sooyaalka taariikheed ee beelahan, waa magaalo xudun u ah bartirsiinta beelahan isla markaana noqonaysa meel ka turjunta in dib loo soo nooleeyo dhaqankii iyo xadaaradi beelaha Maxad Case qarniyadii hore si loogu xidho taariikhdaas jiilka maanta.

Waxay ahayd sanadkii 80aadkii markii ugu dambaysay ee ay shirwayne noocan oo kale ah qabsadaan beelaha Maxad Case, waxana uu shirkani qabashadiisu soo shaac baxayaa waqti ay aad u badan yihiin shir beeleedyada ka dhacaya Soomaliland.

wabilahi tawfiiq

Gudiga Beelaha Maxamed Case ee Europe
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: Saylac November 5 2012

Post by DayaxJeclee »

Nabad sooma'ahan dhulkaasayti, maxaas shirka ugu dhigooyaan dhul shisheeye. dadweynaha gudaha ku nool see u qaybgalayaan waxkastoo sameynaayo noloshooda.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Awdal”