Dhoodaan's Jacbur (Audio + text)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Dhoodaan's Jacbur (Audio + text)

Post by Twist »





Sidii baasto ciir lagu daray oo faanto lagu qooyey
Ama badar galey oo hadhuudh lagu madoobeeyey,
Ama habar yaroo toban jiroo naasku dhagaxoobay,
Oo daasad wadato oo xarago dhan isu tuureysa,
Quruxdeedu waa sida nal iyo booc tubaako ehe.

Geesiyadna way tahay ilayn sharafku waa saase,
Ma cabsato oo hooyadeedna way la dirirtaaye,
Cayda iyo dagaalka gabdhaha way ka badisaaye,
Ninkii la hadla way taqaan inay dacwaysaaye.

Sidii kaneecaday uga baqaan derisyadooduye,
Reeraha ashuunkooduna way jabin taqaanaaye,
Qofkii maaga iyo naagahay timaha jiiddaaye,
Gabadhaa intaa caanshaqay baan meeday leeyahaye,
Ninkii iga jeclaadaan rabaa in aan budheeyaaye,
Amaanteeda maba sheegi karo caawo oo qura e.

Waa sida macaan iyo qaraar laysku soo daraye,
Ama caano qaat iyo basbaas ay ku kariyeene,
Deganaanta laafyaha kolkay jagac ka siinayso,
Bushkuleeti nimaan fuushaneyn gaari kaari waaye.

Sidii habar sarwaal qaadatey oo laad ku kicineysa
Gabay fiican oo fiican baan anigu sheegaaye,
Reer magaal iyo reer baadiyuu ficil dhex joogaaye,
Kolkuu shaararkii kaa gurto oo lacagna kaa qaato
Maxaad dhaqatay buu ku yiraah waayo dabadoode.

Haddey dumarku lacag leeyihiin maba gaboobaane,
Kol hadey qubeys iyo wejiga boodhar ku cadeyso,
Lixdankii sideed baan jiray kugu tiraahdaaye.

Jaceylkana anaa kala bartoo wuu i daashadaye,
Gabdhahay ka daba ku boodayaan lacag ma haystaane
Habar kow iyo boqol haysataa la ogolaadaaye,
Sheekooyinkeedana waa laga dhageystaaye,
Haddey tiraa shan baan diiday waa laga dhagaystaaye,
Haddey tiraa cirkaan taabtay waa laga dhageystaaye,
Haddey tiraa dhulkaan quusay waa laga dhageystaa,
Haddey tiraa baddaan jiiray waa laga dhageystaaye,
Haddey tiraa anaa kaa yar waa laga dhageystaaye.

Gaarinimo kolkey sheegatey muranka dayn waydo,
Waxaa lagu yiraahdaa buloy shaaha inoo kariyoo
Qaxwahay sameysaa hadduu muufo noqon waayo
Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye.
User avatar
eliteSomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5746
Joined: Mon Dec 12, 2011 2:29 pm
Location: Jewnited States of America.

Re: Dhoodaan's Jacbur (Audio + text)

Post by eliteSomali »

Good read sxb. Dhoodaan toloow ma under the influence buu ahaa? maxaa ciir iyo baastana isu geeyay?
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: Dhoodaan's Jacbur (Audio + text)

Post by Twist »

:lol:

Ciisow, that was the whole point it's called 'Jacbur' dee.

Tixdoo dhan markaad akhrido waa wax isku dhex yaacsan; mainly meant to be humorous, I think.

For some odd reason I like this piece. lol
User avatar
eliteSomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5746
Joined: Mon Dec 12, 2011 2:29 pm
Location: Jewnited States of America.

Re: Dhoodaan's Jacbur (Audio + text)

Post by eliteSomali »

Twist wrote::lol:

Ciisow, that was the whole point it's called 'Jacbur' dee.

Tixdoo dhan markaad akhrido waa wax isku dhex yaacsan; mainly meant to be humorous, I think.

For some odd reason I like this piece. lol
That's new to me. Dhoodaan nin qoslo ma'aha. I was watching one of his interviews where he talks about chasing out a lion late at night in his early teen years. :lol:
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: Dhoodaan's Jacbur (Audio + text)

Post by Twist »

Sxb you didn't see his clips on Youtube if you don't think he laughs.

This is a long one & small part of this one starts from 8:30 of this clip:

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”