Nairobi (RBC) Nabadoonada iyo salaadiinta Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Qabiilka Xawaadle , degtana gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya , ayaa waxa ay maanta isku raaceen inay wafdi u diraan Magaalada Kismaayo , si ay uga qeybgalaan kulanka looga hadlayo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.
Nabadoon Axmed Barre Nuur oo kulanka maanta ee Muqdisho ka dhacay ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Cabdi Yuusuf ay diyaar u tahay ka qeybgalkan kulankaasi , si ay uga qeyb noqoto maamulka loo sameyn doono deegaanadaasi , isagoo rajeeyay in maamul loo dhan yahay inuu ka soo bixi doono madasha lagu balansan yahay waa hadii ay goob-joog noqdaan , taladana ay wax ku yeeshaan dhammaan qabaa’ilka wada dega gobolada Jubbada hoose , Jubbada dhexe iyo Gedo .
Nabadoon Xuseen Wardheere ayaa isna kulanka ka sheegay in kulanka Kismaayo ka furmi doono uu noqdo mid ay u madax banaan yihiin beelaha dega Jubbooyinka si ay aayahooda uga tashadaan , waxaase uu ka digay in awooda maamulka Siyaasada iyo midda ammaan ay isku koobto hal beel , taasoo uu xusay inay soo de-dejin doonto guul darro ku timaada shirka loo balansan yahay.
Beesha Cabdi Yuusuf ayaa waxa ay ka qeyb noqoneysaa beelaha Leelkase, Sheekhaal , Ogaadeen , Mariixaan , Gaaljecel , Cowrmale, Harti iyo kuwa kale oo isku diyaaranaya ka qeybgalka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka .
Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan qabiilka Xawaadle ayaa waxa ay wax ka degtaa degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobolada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo sida degmooyinka Jilib,Bu’aale, Saakow,Doolow iyo deegaanada Hoombooy, Buulo Xaaji,Aboorow,Habaaqa,Beer-xaano,ool-oole, Koorweyne, Canjeel ,Janaay Cabdalla, Buulo-Xaawo , Baardheere, Farjanaay. Busleey iyo Garas Shabo
http://www.raxanreeb.com/2012/10/beelwe ... jubbaland/


